Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Deeqaha lagu yabooho oo kor u kacay 100 malyan sannadkii tagay

La daabacay onsdag 16 augusti 2017 kl 11.20
Pengar.
Lacag meel daadsan. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Dhaqaale gaarsii-san bilyanno ayay bulshada Sweden ugu deeqday ururrada samafalka sannadkii tagay 2016, deeqdaasina oo sannadkaa gaartay heerkii ugu sarreeyay, sida ku cad tira-koob ay middaa ka soo saartay hayadda dul-socodka deeqaha Sweden.

Deeqaha uu dadweeynuhu u yaboohay khaanadda deeqaha bangiga ee lagu magacaabo 90 - 90-konto ayaa sannadkii tagay kor u kacay dhaqaale gaarsii-san 100 malyan oo koron, kolka loo barbar-dhigo sannadkii ka horreeyay ee 2015.
Mid ka mid ah asbaabaha dhaliyey ayaa lagu maleeynayaa qaxootigii faraha badnaa ee caalamka, sida ay qoraal saxaafadeed ku sheegtay hayadda dul-socodka aruurinta deeqaha ee Sweden.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".