Transportstyrelsen.
Sumadda calanka hayadda hoggaanka gaadiidka. sawir: Erik Simander/TT

Guddi hoosaadka dastuurka iyo difaaca oo howl geli doona maanta 

Dhaleecayntii fadeexadii hogaanka heeyada gadiidka iyo dawlada.
4:58 min

Kulan aan caadi ahayn ayuu isugu iman doonaa guddi-hoosaadka dastuurka KU baarlamanka, iyo sidii ey u guda geli lahaayeen baarista fadeexaddii IT-ga ee hayadda hoggaanka gaadiidka iyada oo ey xil-dhibaannada baarlamanku weli ku jiraan fasaxoodii kuleeylaha.

Kulanka khamiista ayaa lagu baari doonaa siday masuuliyiintu uga soo baxeen howlahoodii kaga aadanaa iyo iney xeerku siduu ahaa u raaceen.

Waa maxay natiijada laga fili karo in baaritaanka KU ay ka soo baxdo? Marja Lemne, caalin culuunta dawladda. Andreas Norlén (M), guddoomiyaha guddi-hoosaadka dastuurka iyo Björn von Sydow (S), ku xigeenka guddi-hoosaadka dastuurka KU.

Muddo bil gaarsii-san ayaa ka har-san dib u furistii howlaha baarlamanka ee 2017. Halka ey dhowr toddobaad ka soo wareegeen kolkii ey xisbiyada mucaaradku ku hanjabeen iney cod kalsooni kala noqosho u qaadi doonaan saddex ka mid ah xubnihii dawladda ee ka tirsanaa xisbiga Socialdemokraterna: Wasiirkii kaabiyeyaasha dhaqaalaha, wasiirkii arrimmaha gudaha iyo wasiirka difaaca Peter Hultqvist (S) ee xilligan, iyadoona ey laba ka mid ahi Anna Johansson (S) och inrikesminister Anders Ygeman (S)xilkii iska casileen, isla-markaana isku shaandheeyn ballaaran lagu sameeyey golihii wasiirrada.

Guddi-hoosaadka baarlamanka ee difaaca 

Sidoo kale guddi-hoosaadka difaaca ee baarlamanka ayuu khamiista 17-ka bisha agoosto u furmayaa kulan looga wada xaajoon doono fadeexaddii IT-ga ee hayadda hoggaanka gawaarida. Waxaa sidoo kale kulanka looga yeerey xog-hayaha wasaaradda difaaca Jan Salestrand iyo abbaanduulaha ciidammada difaaca Sweden Micael Bydén.

War-bixin cusub oo soo gaartay laanta wararka Ekot ayaa xaqiijineeysa in hayadda hoggaanka gaadiidka laga heley war-bixinno xasaasi ah, sida idaacaddu sheegtay.

War-bixintan oo wasaaradda difaacu ka dalbatay hayadda hoggaanka gaadiidka iyo akhbaaraha la fileyo iney ka baxsadeen hayadda hoggaanka fadeexaddii IT-ga dabadeed. Iyada oo war-bixinta ay ku caddahay in diiwaanka hayadda hoggaanka gaadiidku xiriir la leeyahay diiwanno hayado kale.

Sidoo kale in hayadda hoggaanka gaadiidka laga heley war-bixinno la xiriira nidaamka difaaca hawada, kontaroolka ammaanka iyo diiwaanka boqolaal ka mid ah gawaarida ciidammada, sida ay sheegtay laanta wararka Ekot.

 

Weriyaheena Kenadid Mohamed ayaa inoo sii faahfaahinaya sidii arrinkani u dhacay. Hoos ka dhageeyso.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".