Hogaamiyaha xisbiga Vänsterpartiet Jonas Sjöstedt.
Hogaamiyaha xisbiga Vänsterpartiet Jonas Sjöstedt. sawir: Erik Simander/TT

Xisbiga V oo ku talo jira in la dhimo farqiyada dabaqadaha bulshada

44 bilyan oo koroon.
1:31 min

Xisbiga Vänsterpartiet ayaa maanta shaacisay hindise ka hor tagaya farqiqa nololeed ee u dhaxeeya ajaanibta iyo dadka asalahaan Iswiidhishka ah.

44 bilyan oo koroon tobanka sannadood ee soo socda ayuu hogaamiye Jonas Sjöstedt ula jeedaa in loo baahan yahay si farqigan loo dhimo. Sida uu dhowaan ka sheegay shir saxaafadeed oo uu soo bandhigay.

Sjöstedt ayaa sheegay in mid ka mid ah dhibaatooyinka ka jira bulshaddu tahay farqiqa u dhaxeeya labadan koox halkey shaqo la´aantu ku badantahay xaafadaha ay ajaanibtu ku badan yihiin. Sido kale waxbarasho la´aan iyo in aaney markey doorasho tahay codeeyn.

-Waxaan u arkaa in ay siyaasiintu ka baxeen ballantii ugu weeyneed ee bulshadda oo ah in laga hortago farqigan islamarkaasna la caawiyo dadka khatarta ku jira, sida uu sheegay Jonas Sjöstedt hogaamiyaha xisbiga Vänsterpartiet.

Dhanka kale ayuu Sjöstedt rabaa in canshuurta lagu kordhiyo dadka dakhligoodu sareeyo.

Xisbigan ayaa rajeeynayaa in hindisahan la dhabeeyo sannadka fooda inugu soo haya ee 2018.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".