Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Cawad Xirsi oo dacwad ka gudbiyey nin soomaalida af lagaadeeyey

La daabacay fredag 18 augusti 2017 kl 13.33
Cawad "Shaki bay i gelinaysaa inuu keli ku yahay fikirradaa"
(5:24 min)
Cawad Xirsi, guddoomiyaha xaafadda Spånga/Tensta. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR
Cawad Xirsi, guddoomiyaha xaafadda Spånga/Tensta. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR

Cawad Xirsi ayaa dacwad faqooqa la xiriirta ka gudbiyay siyaasi ka tir-sn xisbiga Miljöpartiet (MP) ee degmada Järfälla. Arrinkaasina oo la xiriira isku dirka qowmiyadaha ka dib soomaalida oo uu ku tilmaamay sidiiyoo ey yihiin boog kaankaro, mar uu qoraal ku daabacay meel xiran ee bogga bulshadu ku kulanto ee Facebook.

Cawad Xirsi oo iminka ka tir-san hoggaanka xisbiga Feministiskt Initiativ ee magaalada Stockholm ayaa idaacadda uga warramay inuu aqoonin dheer u leeyahay shakhsiga uu dacwadda ku oogey, isla-markaana ay muddo tobaneeyo sannadood lahaayeen xiriir wada shaqeeyn intii aanu Cawad Xirsi ka bixin xisbiga MP.

Ma ahan falal ku cusub meel kaga dhaca soomaalida reer Sweden loo geeysto iyo dacwooyin arrimmahaa ay ka gudbiyaan. Balse sida uu sheegay Cawad Xirsi, inay tahay shakhsi ahaantiisa markii ugu horreeysay ee uu dacwad noocani ah gudbiyo.

Aar-gudasho miyaan loo fahmi karin?

Muddadii aad xubinta ka ahayd xisbiga Miljöpartiet meel sare ayaad ka gaadhay, si ay ku dhacdayba waxaa idin soo kala dhex galey mugdi oo iminka xisbigii waxaad uga baxday caro. Miyaan la tuhmi karin in aad aarsi falkan u sameysay? Isga oo su'aashaa ka jawaabayna wuxuu sheegay in inkasta oo shakhsigan laga joojiyey dhammaan howlihii u xisbiga iyo degmadaba u hayay, haddana ay ahayd in ay dacwaddan iyagu gudbiyaan, balse ay tahay waajib cid walba saaran in kolka uu fal-dembiyeedkan dhacay uu dacwad ka oogo:

 -"Ma uusan ahayn shakhsi caadi ah. Wuxuu ahaa nin awood ku leh bulshada".

21:kii Luulyo ee sannadkan ayay ahayd kolkii ay xubin ka tir-san xisbiga MP, oo xilligaa gacan yare u ahaa laanta xisbiga, isla-markaana xubin ka ahaa hoggaanka degmada Järfälla uu ku daabacay Facebook faallo la xiriirtay tuhun fal-dembiyeed kufsi wada jir oo ka dhacay degmada Järfälla uu ku qoray bog xag-jir ah ee lagu magacaabo Nyheter iney ka dambeeyeen dhallin-yaro soomaali asal ahaan ka soo jeedda, isagoona qoray:

Shakhsigan ayaa kolkii uu soo shaac-baxay falkan uu xisbigu dhammaan ka xayuubiyay howlihii uu u hayay. Isla-markaana baaris ku bilaabay xubin-nimaddiisa, hase yeeshee intii aannu xisbigu go'aan ka gaarin uu laf ahaantiisu codsaday inuu xubin-nimadii xisbiga MP iska casilo.

Arrinkan wixii ku soo kordha dib ayaannu idin kala soo socodsiin doonnaa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".