Mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagaxiso ee magaalada Barseloona ee dalka Isbaaniya.
Mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagaxiso ee magaalada Barseloona ee dalka Isbaaniya. sawir: Oriol Duran

Weli lama sheegin iswiidhish ku dhaawacmay falkii Barseloona

Stefan Löfven ayaa u tacsiyeeynaya dalka Isbaaniya.
1:53 min

Weli warbixin sheegaysa, in uu Iswiidhish ku jiro kuwii ku dhaawacmay amba dhintay weerarkii magaalada Barseloona, soo may gaadhin wasaarada arrimaha dibada ee UD ayey sheegtay Ann Torngren oo dhanka saxaafada u qaabilsan UD.

13 ruux ayaa ku dhintay 100 kalena wey ku dhaawacmeen weerarkii argagaxiso ee xalay habeenimadii ka dhacay magaalada Barseloona dalka Isbaaniya.

Hampus Hagander oo Iswiidhish ah ayaa ka mid ahaa dadkii arkayay markii uu gaadhiga xamuuka ahi xawaare xoog badan ku jiidhayey dadkii ku lugaynayey La Rambla oo ah suuqa ugu saxmada badan ee magaalada Barseloona.

–Waxaan arkay gadhi xamuuk ah oo xoog u jiidhayey dadkii suuqan joogay. Ugu yaraan wuxaa uu jiidhay shan ila toban qof, ayuu sheegay Hampus Hagander.

13 ruux ee lagu dilay falkan argagaxiso ayaa ka soo jeeda 18 waddan. Sababta ayaa ah in suuqani yahay mid ay soo booqdan dadka dalxiiska u yimaada magaalada Barseloona.

Weli lama caddeyn dadka amba qofka ka dambeeya falkan, hasayeeshe ayey kooxda argagaxisada ee Daacesh ku soo qoreen Amaq, oo ah kanaal ay dacaayadooda ku faafiyaan, in ay iyagu ka dambeeyeen falkan.

Sido kale ayuu booliska Isbaaniya sheegeen in ay gacanta ku dhigeen laba ruux oo lagu tuhunsayahay in ay ka dambeeyeen dhacdadan.

Ra´iisal wassaaraha Iswiidhan ,Stefan Löfven, ayaa tacsi u gudbinaya dadkii halkaas ku dhaawacmay iyo qaraabadooda.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".