Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Degmooyinka Nacka iyo Gävle oo ku biirey naadiga 100-ka kun

Bulshada Sweden oo kor u sii kaceeysa.
Qaxootiga ayaa hor-seed ka ah kor u kaca tuirada bulshada Sweden oo kor u sii kacaysa. sawir: Petra Lindell / TT

Lixdii bilood ee sannadka ugu horreeyey ayay bulshada ku dhaqan Sweden kor u kacday tiro ahaan 58 000 oo ruux. Middaasina oo uu soo-galootigu kaalin weyn ku leeyahay, sida ay sheegtay hayadda tira-koobka ee magaceeda loo soo gaabiyo(SCB).

Bishii jannaayo ee sannadkan ayay bulshada Sweden gooysay xarigii tirada ee 10-ka malyan ee ruux. Lixdii bilood ee ugu horreeysay sannadka ayay tirada bulshadu kor u gaartay 10 053 061 qof. Waxaa sidoo kale naadiga magaalooyinka 100-ka kun ku soo biirey degmooyinka Nacka iyo Gävle. Middaasina oo tiradii xubnaha naadigaa gaarsiisay 17 degmo.

222 degmo iyo dhammaan gobollada dalka marka laga reebo gobolka Norrbotten ayey kor u kaceen bulshada ku dhaqan lixdii bilood ee sannadka ugu horeeye.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".