Jan Björklund (L).
Jan Björklund, hoggaamiyaha xisbiga Liberalerna.. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Alliansen oo ku goodiyay inuu wasiirro hor leh cod u qaadi doono

Haddii aanay dawladdu dib uga laaban qorshaheeda miisaaniyadda ee cashuur kordhinta ayuu garabka midig ee Alliansen ku goodiyay inuu cod kalsooni u qaadi doono saddex wasiir oo hor leh.

-Dib uga laaban meeyno, sida uu sheegay hoggaamiyaha xisbiga Liberalerna (L), Jan Björklund. 

Handadaadda in la qaado codka kalsoonida waxay ku wajahan tahay cashuurta saffarrada duulimaadyada. Jan Björklund ayaa aamin-san in ku simaha wasiirka dhaqaalaha Bolund (MP), wasiirka manaafacaadka (wax soo saarka) Mikael Damberg (S) iyo wasiirka cusub ee dhowaantan loo magacaabey wasaaradda kaabiyeyaasha dhaqaale Tomas Eneroth (S) iney saameeyn doonto codka kalsooni u qaadistu.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".