Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Go'aan maxkamadeed lagu dhawaaqay ee dhacdadii Arboga

La cusbooneeyay måndag 21 augusti 2017 kl 11.07
La daabacay måndag 21 augusti 2017 kl 08.36
Qareenka haweeneyda 42 jir ah: racfaan ayaa qaadanaynaa"
(1:57 min)
Arbogafallet
Dacwaddii dilka ee Arboga oo saaka lagu dhawaaqi doono. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Maanta oo isniin ah ayaa lagu dhawaaqay go'aankii maxkamadda ee dacwaddii la xiriirtay haweenay 42 jir ah iyo wiil da'yar dalka ku soo galay  "sommarstugemorden".

Labadan qof oo lagu soo oogay iney ka dambeeyeen dilkii iyo dhaawicii loo geeystay haweenayda waalidkee iyo ninkeedii hore ayay maxkamaddu go'aan ku gaartay in haweenayda lagu xukumay xabsi daa'in, halka wiilkiina lagu riday xukun 14 sannadood oo xabsi ah iyo tarxiil abid ah kolka uu xabsiga ka soo baxo.

Haweeneyda ayaa lagu soo eedeeyey in ay ka dembaysay dil iyo iskuday dil oo lagula kacay waalidkeeda taas oo uu fuliyey wiilka ay saaxiibka yahiin oo ah wiil magangeliyo doonka ah oo ka soo jeeda dalka Afghanistan. Dembiyada ay haweeneyda lagu soo eedeeyey ayaa dhamaan maxkamadda ku heshay, maantana waxa ay maxkamadda soo saartay xukun ah xabsi daa’iin oo haweeneyda lagu riday. Laakiin qareenka haweeneyda Amanda Hikes oo la hadlaysay Ekot sheegay in haweeneyda ay matalayso weli diidan tahay dembiga lagu halay ayna racfaan ka qaadanayso.

– Waxa ay u aragtaa qalad xukunka lagu riday, waxa ay aaminsan tahay dembi la’aan in ay tahay, sidaas daraadeed xukunka racfaan ayaan ka qaadanaynaa, ayey qareenka haweeneyda Amanda Hikes.

Wiilka saaxiibeed ah oo da’diisa tahay 21 ir ayaa asagu qirtay dembiayda lagu soo eedeeyey oo kala ah in dil u geystay aabbaha haweneyda 42 jir ah iyo in isku dayey in uu dilo hooyadeed. Waxa ayna maxkamadda ku xukuntay 14 sanno oo xarig ah iyo in Sweden laga masaafuriyo oo uusan dib dambe ugu soo noqon karin.

– Waa xukun la sugayey, ayuu yeri qareenka 21 jirka Larsa Järesten asaga oo u waramayey laanta Ekot, waxa uuna raaciyey wiilka uu qareenka u yahay uu ku sugnaa marka uu dembiyadaan ku kachayey xaalad bahi ah oo ku tiirsanaan haweeneyda 42 jirka ah.

Ka sakow xukunada xabsiga ah haweeneyda 42 jirka ah iyo wiilka 21 jirka ah waxaa lagu xukumay in ay baxiyaan magdhow la siinayo qoyska ruuxa la dilay.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".