Elever och lärare i klassrum, årskurs 1
Macallin iyo ardey dhigata fasalka koobaad oo xiisad qaadanaya. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Caruuraha hurdada loo daayo oo dugsiga natiijo wanaagsan ku hela

Anna Ekström:"Waan soo dhaweeynayaa"
1:17 min

Cilmi baadhiis cusub ayaa sheegaysa in caruuraha hurdada ku raaga ka natiijo wanaagsan yihiin kuwa goorta hore iskuulka u kaca.

Hasayeeshe ayey Anna Ekström ,wasiirada waxbarashada iyo dugsiyada sare ee dalkan, u jeeda in marka hore loo baahan yahay in aragtida cilmi baadhistan lagu tijaabiyo dugsiyada Iswiidhen inta aan go´aan laga gaadhin.

Sidaa ayey saaka ka sheegtay barnaamijka P1-morgon.

-Waxaa muhiim ah in marka hore lagu tijaabiyo dugsiyada dalkan, weli mey dhicin taasi, laakin waa arrin aan soo dhaweeynayo, ayey tidhi Anna Ekström.

Hasayeeshe ayey sheegtay wasiirada waxbarashada iyo dugsiyada dalkan, Anna Ekström, in ay waxyeelo ku lahaan karto caruurtan marka ay mustaqbalka shaqo bilaabaan.:

-Wakhtiga iskuulka aad ayuu muhiim ugu yahay dhalinyaradan, sababta oo ah in halkaas loo diyaariyo noloshooda mustaqbalka, ayey u jeeda Anna Ekström.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".