Kooxda cunsuriga ah ee NMR oo ku banaanbaxaysay magaalada Falun.
Kooxda cunsuriga ah ee NMR oo ku banaanbaxaysay magaalada Falun. sawir: Ulf Palm/TT

Koox cunsuri ah oo rabta in ay banaanbax sameeyaan

Erik Nord:"Weli ogolaasho may helin"
1:32 min

Kooxda cunsuriga ah ah ee Nordiska Motståndsrörelsen, NMR, ayaa taageerayaashooda kula talliyay in ay ka qeeyb galaan banaanbax iyaga oo raba in ay kacdoon ku sameeyaan suxuufiyiinta iyo siyaasiinta dalkan.

Kooxdan ayaa u jeeda in ay kuwani yihiin dembiilayaal, waa sida ay bogooda ku soo qoreen.

Banaanbaxan ayey kooxda cunsuriga ah ee NMR qorsheeyeen in uu magaalada Göteborg ka dhaco 30 bisha september sannadkan. Hasayeeshe ayuu Erik Nord oo ka hawlgala booliska magaalada Göteborg sheegay in aaney weli ogolaasho ka helin booliska halkaas in ay banaanbaxan sameeyn karaan iyo in kale.

-Waxaa xitaa dhici kartaa in banaan baxani noqon karo sharci darro, maadaama ay kooxdani ku guubaabinayaan taageerayaashooda in rabshad halkaas ka kiciyaan, ayuu sheegay Erik Nord.

30 bisha september ayaa magaalada Göteborg lagu qabanqaabinaya carwada buugaagta oo sannad walba halkaas lagu qabto, af-iswiidhish bokmässan.

Kooxda cunsuriga ah ee NMR ayaa, mar ay wareeysi la yeesheen Raadiyaha Iswiidhan l´aanteeda P4 Göteborg, sheegay in sababta loo sameeynayo banaanbaxani ahin in rabshad halkaas laga kiciyo.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".