En fästing på hud.
Shillin far saraan. sawir: FREDRIK SANDBERG / TT

Tirada cudurka TBE ku dhaco oo korortay

Cudurka TBE ayaa ah mid laga qaado dhiig nuuqaha la yiraahdo shillinta ama dadka qaarkii u yaqaaniin gofane.

Intii u dhaxaysay bishii julay iyo august ayey korartay tirada uu ku dhaco cudurkaan TBE sida ay warisay wakaaladda wararka TT.

"Heerkii ugu sareeyey ayey gaartay", ayey tiri Marika Hjertqvist oo hey’adda Folkhälsomyndigheten u qaabilsan cudurada faafa.

Xagaaga intisa hore ayey yareyd tirada uu ku dhacay TBE taas oo sabab u aheyd qallayl dhanka hawada ah. Laakiin julay iyo august intii u dhaxeysay ayaa hawada aheyd mid qoyan oo shillinta u fiican, sida ay tiri Marika Hjertqvist oo uu waramaysay wakaladda TT.  

Goobaha qataraha ka jiraan

Billaha soo socda ee September iyo oktober ayaa la saadalinayaa qatarta shallinta iyo cududrka TBE in ay sii korarto. Degaanada qatar ku sii badnaan karto ee laga qaadi karo viruska TBE ayaa lagu sheegay agagaarka xeebaha Östersjön, Mälardalen iyo gobolka Södermanland.

Faafidda Viruska TBE ayaa loo aaneynayaa dadka oo xilligan xagaaga ku lugeeya jiqda ama howdka, kadibna shilinta ka soo raacdo.

 Tallaal ayaa kaa difaaci kara

Tallaal ayaa shaqsiga iska difaaci karaan cudurkaan TBE, sida ay sheegtay Marika Hjertqvist oo ka howl-gasha hay’adda Folkhäslomyndigheten.

"In layska tallaalo waa mid ugu wanaagsan ee qofka ku sugan goobaha qatarta ku badan tahay uu iska difaaci karo viruska TBE".

TBE (Tick Borne Encephalitis) calaamadaha lagu garta waxaa ka mid ah barar ku dhaca maskaxda, xummad sare, madax xanuun iyo qoor xanuun. Waa dhif dadka in ay u geeriyoodaan cudurkan.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".