Caruurta hela cudurka sonkorta nooca typ 1 ayaa sii kordhaya.
Caruurta hela cudurka sonkorta nooca typ 1 ayaa sii kordhaya. sawir: John Locher

Inta caruur ee hela cudurka sonkorta oo sii kordhaya

Tirada caruur ee hela cudurka sonkorta waxaa af-iswiidhishka lagu yidhaahdo diabetes nooca typ 1 ayaa sii kordhaya.

Sidaas ayaa laga ogaaday natiijada baadhitaanka uu cilmi-baadhe Johnny Ludvigsson sameeyay.

-Marka Iswiidhan wadamada kale loo barbardhigo tirada caruur ee halkan ku xanuusata wey ka badanyihiin wadamo badan. Tusaale-ahaan ayey Iswiidhan tahay wadanka labaad aduunka ee uu cudurkani ugu badanyahay. Finland keliya ayaa naga daran, ayuu sheegay cilmi baadhe Johnny Ludvigsson.

Weli lama caddeeyn waxaa sababa cudurka sonkorta nooca typ 1, hasayeeshe ayaa la filaya in la kala dhaxlo.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".