Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Da’yarta dembiyada lagu qabt oo dhaqso loo xukumayo

La daabacay tisdag 22 augusti 2017 kl 16.52
ustitie- och inrikesminister Morgan Johansson (S)
Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha gudaha Morgan Johansson. sawir: Vilhelm Stokstad/TT

Maxkamadaynta ka dhanka ah dembiyada qaarkood ee ay geystaan da’yarta ayaa xukumadda ku talo-jirtaa in lagu qabto todbaadyo gudahood, sida ay tabisay TT.

Maanta ayaa kiisaska dembiyo ee aan sidaas u adkayn qaadataa bilo in maxkamad lagu tijaabiyo.

Wasiirka cadaaladda Morgon Johansson ayaa maanta oo talaado ah loo gacan galiyey hindisyaal ku jiray baaritaan la sameeyey oo ujeedadiisa tahay sidii lagu yareyn lahaa waqtiga ay qaadato cinqaab marsiinta da’yarta dembiyada geysta ee 18 sanno da’dooda ka yar tahay.

Sida uu sheegya Stefan Strömberg oo baaritaanka dowladda horey ugu saartay waqtiga ay qaadato cinqaab marinta da’yarta dembilayaasha ah ayaa aad loo gaabinayaa iyada oo laamaha amniga iyo sharci illaalinta qaab cusub arrintan u wajahayaan.

”Waxa ay si gooni ah u quseyn doonta qofka lagu qabto asaga oo fal dembiyeed gacanta kula jira, gaar ahaan dembiyada baritaankooda uusan adkeyn”, sidaas waxaa yeri wasiirka cadaaladda Morgon Johansson oo maanta loo gacan-geliyey talooyin ku jiray baaritaan horey dowladda u dalbatay.

Dembiyadda laga hadlayo ayaa ahaan karo sida xatooyada, dembiyada maandooriyaha, kuwa hubka sharci darada ah sida tooreyda, baabuur wadidda sharci darada ah iyo qof qamri soo cabay oo gaari wada, sida uu yeri wasiirka cadaaaladda Morgan Johansson.

Mashruuc arrintaan quseeya wajigiisa koobaad ayaa dayrtan lagu tijaabinayaa qaybo ka mid ah magaalada Stockholm, sida Täby, Solna iyo Rinkeby.

Isha: TT

somali@sverigesradio.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".