Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Haraagii suxufiyad la baadigoobayey oo la heley

La daabacay onsdag 23 augusti 2017 kl 12.00
Boliska Danmark: wa jirdhkii Kim Wall
(1:25 min)
Ubåten och bild på Kim Wall
Soota-mariin iyo sawirka Kim Wall. sawir: TT

Suxufiyadda iswiidhish ah Kim Wall oo badi-goob loogu jiray ayaa qaybo jidhkeeda ka mid ah laga heley biyaha Öresund.

Dhawaan shir saxaafadeed waxaa qabtay boliska Danmark oo ay uga hadlayeen haweeneydii wariyaha iswiidhishka aheyd ee la waayey iyo jirdh laga helay biyaha Öresund.

Boliska Kopenhagen ee Danmark waxa ay shir saxaafadeedka ku sheegeen in jidhka la helay DNA laga qaadey iyo mid laga qaadey burrush timaha ay ku shanlaysan jirtay saxaafiyadda la waayey ee Kim Wall ay u xaqiijinayso boliska in jidha la helay yahay kii Kim Wall.

Boliska waxa ay sida oo kale sheegeen in DNA ay ka heleen gujis horey u quusay balse la soo saaray. Arrimahan oo dhan waxa ay hubaal ka dhigayaan in meydka la helay yahay kii wariyadda Kim Wall.

Lakiin boliska si rasmiha uma shaacin sida ay u dhimatay Kim Walla, weli se waxaa badda laga raadinaya qayb kale oo ka mid ah jidhkeeda gabadha.

Kim Wall oo ku talo jirtay inay barnaamij ka sameeyso mulkiilaha soota-mariinta oo u dhashay dalka Danmark ayay ugu war-dambeeysay inay raacday soota-mariinka 10-kii agoosto.

Jimcadii ina dhaaftay ayuu soo baxay war sheegaya in gujista aanu soo noqon sidii la filayey. Isla maalintaa oo la bilaabay baadi-goobka soota-mariinka ayaa dhambaal  laga helay mulkiilihii oo uu ku sheegay inuu ku soo wajahan yahay dekedda.

Hase yeeshee ay si lama filaan ah u degtay. Iyada oo ay badbaadisay mulkiilihii dooni goobta ku sugnayd, hase yeeshee aanay la socon Kim Wall.

Mulkiilihii gujista ayaa ku sugan gacanta boliska, iyadoona lagu tuhun-san yahay inuu sabab u yahay geerida Kim Wall.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".