Anna Kinberg Batra
Hoggaamiyaha Moderaterna Anna Kinberg Batra oo saxaafadda u waramaysa. sawir: Erik Simander/TT

Hoggaamiyaha Moderaterna oo lagu dhagan yahay

Xildhibaan Granfalk: kalsooni kuma qabno
1:19 min

Todobaadkan waxaa iska soo dabo dhacayey dalabyo ka imaanayey xubno sare oo ka tirsan moderaterna kuwaas oo ugu baaqaya hoggaamiyaha xisbiga in ay is casisho.

Hoggaamiye Anna Kindberg Batra ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dalabyada loo jeedinayo oo ah in ay hoggaanka xisbiga ka degto. Waxa ayna sheegtay in aysan damacsanayn in xilka ka degto.

Wareysi uu saakay la yeeshay wargeyska Aftonbladet ayey Kindberg Batra ku adkaysatay in horey loogu doortay hoggaanka xisbiga ayna doonayso in ay dhamaysato xilligii loo doortay. Sida oo kale waxa ay ka dhawaajisay in xaaladda xisbiga ku sugan yahay ay tahay mid adag balse ay doonayso in ay isku hayso oo isku soo dhawayso damacyada kala duwan ee gudaha xisbiga ka jira.

– In aan is rabshadayno meel kuma gaarayno, ayey tiri hoggaamiye Kindberg Batra.

Dalabyada soo noqnoqday waxa ay ka tiri.

– Ama waa is dhiibaysaa ama sidayda oo kale way ku adkaynaysaa. Shaqsiyan waxa dareemayaa in arrintaan i xoojisay.

Dalabyada kuwooda ugu dembeeyey ee loo jeedinayo hoggamiye Anna Kindberg Batra waxa ay ka soo yeereen Pehr Granfalk oo xildhibaan ka ah golaha degaanka Solna. Shalay ayuu ku dhawaaqay in uusan kalsooni  ku qabin Anna Kindberg Batra ayna ku guuldaraysatay in ay dadweynaha gaarsiiso siyaasadda xisbiga.

Pia Almström oo iyada ah xildhibaanad golaha degaanka Kävlinge ayaa iyana shalay la soo weriyey in ay taageertay dalabyada xilka laga qaado hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna.

Saakeyna xildhibaan kale oo golaha degaanka Danderyd ku jira Olle Reichenberg ayaa dalbaday in Anna Kindberg Batra banayso hoggaanka xisbiga.

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".