Guryo l´aanta ardayda jaamacadaha oo weli taagaan heer sare.
Guryo l´aanta ardayda jaamacadaha oo weli taagaan heer sare. sawir: DRAGO PRVULOVIC / TT

Guryo la´aanta ardayda jaamacadaha oo weli taagaan heer sare

Jacob Adamowicz:"Waxaan rajeeynayaa in ay siyaasiintu isbedel keenaan"
1:53 min

13 magaalooyin oo waddanka ka tirsan ayey aad ugu adagtahay in laga helo guryaha ardayda jaamacada dhigta loogu talo galay.

Sidaas ayuu sheegaya baadhitaan cusub oo laga sameeyay amuurahan.

Mid ka mid ah ardayda jaamacada bilaabay ayaa ah Andreas Hellman. Wuxuu jaamacada magaalada Göteborg ka bilaabay waxbarashada dhakhtarka ilkaha. Madama uu safka guryaha aad ugu dheeraaday wuxuu ku khasbanyahay in uu keligii raadsado hoy.

-Bogga xayasiinta internetka ee Blocket ayaan ka raadsada, laakiin waa in aad islamarkiiba jawaabtid hadii lagu siiyo guri hadii kale qof kale ayaa kaa qaadan kara. Sidaas ayuu sheegay Andreas Hellman.

Marka sannadkan iyo kii hore la isku barbardhigo isbedel weyn laga ma arkin dhinaca guryo l´aanta, waa sidaa uu muujinayo baadhitaanka gudida ardayda dalkan SFS.

Qaar ka mid ah13: ka magaalooyin ay ugu adagtahay in guri laga helo ayaa ah Stockholm, Göteborg, Malmö, Falun, Halmstad,Karlskrona,Uppsala iyo Linköping.

-Waxaan rajeeynayaa in ay siyaasiinta dalkani isbedel ka keenaan xaalada ka taagan suuqa guryaha, ayuu u yidhi Jacob Adamowicz oo ka tirsan gudida ardayda dalkan ee SFS.

Magaalooyinka ay ugu fududahay in guryo laga helo ayaa ah Gävle, Västerås iyo Östersund.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".