Anna Kinberg Batra (M)
Hoggaamiyaha moderaterna Anna Kinberg Batra. sawir: Susanna Persson Öste/TT

Anna Kinberg Batra: "Isma casilayo"

Batra: ha la joojiyo rabshadda
1:26 min

Inkasta oo beryahan ay iska soo dabo dhacayso dalabya lagu doonayo in ay is casisho hoggaamiyaha Moderaterna Anna Kindberg Batra hadana ma ay dooneyso xilka in ay iska casisho.

Sidaas waxa ay maanta ku sheegtay shir warbaahinta u qabtay.

– Ma damacsani in aan is casilo.. Waxa la joogaa goortii aan ka gudbi laheyn is qabqabsiga oo dadweynaha Sweden u muujin laheyn sababta aan u istaahilno kalsooni ka wanaagsan. Qofka ay tahay in la baddelo oo meesha ka saarno waa Stefan Löfven ayey ka tiri maanta Anna Kindberg Batra shir warbaahinta ay u qabatay oo ay uga hadlaysay siyaasad difaaca oo cusub ee xisbiga.

Waxa ay ku celcelisay in aysan qorsha ugu jiran in iska casisho hoggaaminta xisbiga bale ay dhamaysanayso xilligii loo doortay, ayna taageero u haysato.

– Waxa aan taageero ka haystaa inta badan Moderaterka Sweden oo dhan laakiin anaga moderaterna kuma qanacsanin xaaladda aan ku suganahay, waxa ay siyaasaddeena istaahishaa kalsooni sidaan ka wanaagsan, sannadyo badan waxa aan ku howlanayn sida aan ku hagaajin laheyn. Tillaabada ku xigtaana waa in aan joojino is rabshadeynta oo dadweyn u so bandhigno sabab aan u istaahilno kalsson ka wanaagsan, ayey tiri Anna Kindberg Batra hoggaamiyaha Moderaterna.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".