DN tidningar
Xayeysiis wargeyska DN oo ayaan horey lagu daabacay kaas oo dhaliil badan wargeyska kala kulmay. sawir: TT

Warbaahinta oo warar aan wanaagsanayn ka tabisa soogalootiga

Cilmi baadhis cusub ayaa muujineysa in wararka laga tabiy soogalootiga intii u dhaxaysay 2010–2015 ay u badnaayeen warar aan wanaagsanayn.

Warbaxinta cilmi baadhistaan oo ciiwaan looga dhigay ”Invandring i medierna – hur rapporterade svenska tidningar åren 2010–2015?”, ayaa waxa ka dembeeyey urur la yiraahdo Delmi oo u kuurgala arrimaha la xiriira socdaalka iyo soogalootiga.  

Waxaa la darsay in ka badan 968 maqaal oo wargeysada kala ah Aftonbladet, Dagens Nyheter, Expressen iyo Svenska Dagbladet ka qoreen soogalootiga intii u dhaxaysay 1 janaayo 2010 illaa 30 jun 2015.

Daraasadda ayaa laysku barbardhigay wararka wanaagsan iyo kuwa aan wanaagsanayn ee wargeysyada ka qoreen soogalootiga.

Wararka wanaagsan ayaa u badnaa in soogalootiga wax ku soo kordhiyeen dhanka tirada dadka taas yaraysay culuskii Sweden arrintan ka soo wajahayey. Halka wararka aan wanaagsaneyn u badnaayeen in soogalootigu daciifinayo wadojirka bulshada Sweden.

Isha:TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".