Khalif Bile Mohamud.
Khaliif Bile Maxamud, dhakhtar - cilmi baare dhanka caafimaadka. sawir: Foto: Kenadid Mohamed/SR

Laanta Cilmibaarista AHPSR oo gacan u fidinaysa Soomaaliya

Khaliif "Cilmi-baaristu waa sal-dhigga nolosha"
6:59 min

Ka hor bilowgii dagaalka sokeeye ee Soomaaliya, xiriir qoto-dheer ayaa u dhaxeeyey cilmi-baariyaashii jaamicaddii ummadda Soomaaliyeed ee waagaasi iyo hayaddii cilmi-baarista ee lagu magacaabi jiray (SAREC) iyo jaamicadaha dalka Sweden.

Wada-shaqeeyntaasina oo salka ku heeysay sidii dhallin-yarada soomaalida loogu tababari lahaa cilmi-baarista iyo aqoon korosi dheeri ah sidii ey ku heli lahaayeen.

Khaliif Bile Maxamuud, wuxuu ka mid ahaa dhallin-yaradii waagaasi ku qaadatay takhasuska PHD wada-shaqeeyntaasi. Hase yeeshee in muddo ahba ku howlanaa sidii dib loogu soo nooleeyn lahaa, kadib markii ey aasaaseen ururka madaxa bannaan ee lagu magacaabo SSRA – somali Swedish researchers Association  (ururka cilmi-baarista Soomaaliya iyo Sweden).

Shirara badan oo ey qayb ka ahaayeen xubnaha ururka SSRA iyo macallimmiintii qaybta ka ahayd wada-shaqeeyntii cilmi baaristii sannadihii siddeetameeyadii ayaa dhalisay in ugu dambeeyn sannadkii 2013 uu kulan ka dhaco arrinkaa la xiriira magaalada Muqdisho, halkaasina oo ey ka soo qeyb galeen illaa 300 oo qof oo ka socda jaamicadaha iyo goobaha caafimaadka ee dhammaan maamullada kala duwan ee dalka:

Sidoo kale kulammo ka dhacey dalka Sweden 2015 iyo 2016 oo ey ka soo qayb galeen howl-wadeenno ka howl-gala goobaha caafimaadka ee lix jaamicadood ee Soomaaliya/Soomaaliland ka howl-gala iyo shan jaamicadood oo Sweden ka howl-gala ayuu ka soo baxay mashruuc cilmi baaris loogu fidineyo howl-wadeennada caafimaadka.

Kulan haddaba ka dhacay magaalada Hargeeysa oktoobar 2016 ayaa muddo 2 toddobaad ah lagu daah furay tirada dhakhaatiirta iyo howlaha mashruuca, sida uu idaacadda uga warramay Khaliif Bile Maxamuud oo qayb ka ah howlaha cilmi-baarista: 

Howl-wadeennadii caafimaadka ee kulankaasi ayaa mid walba loo dhiibay howl-cilmi baaris ee ku wajahan dhinacyo kala duwan, kuwaasina oo la xiriirey caqabadaha ka taagan caafimaadka iyo sidii sida ugu habboon loogu abbaari lahaa wax ka qabadkooda. Cilmi-baarisyada ayey ka mid yihiin tallaalka dhallaanka, dhibaatooyinka umul raaca haweenka, isticmaalka daawooyinka, dhibaatooyinka waalida iyo waxyaabo la mid ah:

Inkasta oo jaamicadaha qaybta ka ah mashuucan ey kharashkooda mid walba gaar isaga bixiso, sida aannu ogsoonnaheyna aaney labada waddan ee Sweden iyo Soomaaliya isku dhaqaale aheyn ayey dhowaantan mashruuca ku soo biirtay sidii ey gacan uga geey-san lahayd laanta cilmi-baarista The Alliance for Health Policy and Systems Research (AHPSR), oo hoos timaadda hayadda caafimaadka ee WHO ee qarammada midoobey. Waana mid sumcad iyo dhiirasho hor leh ku soo kor-dhineeysa mashruuca iminka socda iyo howlaha mustaqbalkaba, sida uu sheegay Kahliif Bile Maxamuud:

Mashruuca wada-shaqeeynta cilmi-baarista ee jaamicadaha Sweden iyo Soomaaliya/Soomaaliland oo dhowaan sannad buuxiyey ayaa dhowaan horraanta bisha Oktoobar kulan saddex maalmood ah la isugu iman doonaa magaalada Hargeeysa, si looga xaajoodo halka howluhu mareyaan iyo caqabadaha la soo gudboonaaday iyo guulaha laga gaarey. Iyada oo sannadka 2018 lagu soo gabagabeeyn doono qaybta cilmi-baaristan kulan ka dhici doona Soomaaliya.

Howshani waa wada shaqeeyn wax tar u leh hor-umarka cilmi-baarista Soomaaliya, Sweden iyo caalamka dhammaantii, sida uu sheegay Khaliif Bile Maxamuud.  

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".