Ann Kindberg Batra (M)
Ann Kindberg Batra (M). sawir: Susanna Persson Öste/TT

Laantii sagaalaad oo kalsoonida kala laabtay Kinberg Batra

Laanta Västernorrland oo isbaddeshay, haddana doonaya in Anna Kindberg Batra is casisho.

 Dhawaan ayaa la shaaciyey in laanta xisbiga Moderaterna ku leeyahay Stockholm stad kalsoonida kala laabtay hoggaamiyaha xisbiga Anna Kindberg Batra. Dhawaan waxa fikirkooda baddelay laanta xisbiga ku leeyahay gobolka Västergötland oo horey u taageersanaa hoggaamiye Kingberg Batra balse hadda waxay ku dhawaaqeen taageeradii in ay kala laabteen. 

Waxa ay taas ka micno tahay in hadda ay sagaal ka mid ah laamaha xisbiga kalsooni ku qabin hoggaamiye Kindberg Batra. 

Laamaha xisbiga Moderaterna ku leeyahay golabada Södermanland, Örebro, Uppsala, Västerbotten, Gotland, Stockholm län iyo Stockholm stad ayaa horey dalbanaya in la baddelo hoggaamiyaha xisbiga oo la qabto kulanweyne dheeraad si loo soo doorto hoggaamiye cusub.

Si kulankan u qabsoomo ayuu xer-hoosaadka xisbigu dhigayaa in la hilo dalabyo ay soo jeediyaan sideed ka mid ah laamaha xisbiga ku leeyahay dalka.

Sidaas ayey ku dhan yahiin sideedii laamo ee xeerka xisbiga qabo in ay soo jeediyaan dalab ah in la qabto kulanweyne dheeraad ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".