Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Zlatan oo ku sii nagaanaya Manchester United

Zlatan Ibrahimovic
Zlatan Ibrahimovic oo dabaal degaya mar uu gool u dhaliyey kooxda Manchester United. sawir: Tim Ireland

Weerar yahiinkii hore ee Sweden Zlatan Ibrahimavic ayaa la shaaciyey in uu ku sii nagaanayo kooxda Manchester United, sida uu wariyey wargeyska Dagens Nyheter.

Weerar yahanka Sweden ayaa qaadan doona namber sagaal, waa sida uu sheegay wargeyska DN in kooxda Man United ee ka tirsan naadiga Premier League ku qortay boggeeda.

 ”Dib ayaan u soo noqday si aan u dhamastiro waxii aan horey u bilaabay. Mar kasta hadefkeyga iyo kan kalaabka sidaas ayuu ahaa”, ayuu wariyey DN in uu yeri Ibrahimovic.

”Waxtarkii uu nagu soo kordhiyey xilli ciyaareedkii hore ayaa ka dhigaysa in uu istaahilo kalsoonideena, dulqaad ayaana ku sugaynaa soo noqoshadiisa. Shaki iigama jiro in uu muhim u noqon doono xilli ciyaareedka hadda bilowdey qaybtiisa dembe”, sidaas waxaa wargeyska ka soo weriyey in uu yeri tobobaraha kooxda José Mourinho.

Zaltan Ibrahimavic ayaa dhawaac uga maqnaa ciyaaraha laga soo bilaabo dhamaadkii xilli ciyareedkii la soo dhaafay. Weli lama sheegin goorta la saadaalinayo dib in uu ugu soo noqon doono garoomada ciyaaraha.

Isha: Dagens Nyheter 

somali@sverigesradio.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".