Anna Kinberg Batra M.
Anna Kinberg Batra oo shir jaraa'id ku baahisay inay xilka ka degtay. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Kinberg Batra oo iska casishay hoggaanka xisbiga Moderaterna

Batra: wax aan ka shalaynayo ma jirto
1:56 min

Shir saxaafadeed ay Anna Kinberg Batra qabatay subaxnimadii jimcaha ayey ku shaacisay in ay iska casilayso hoggaanka xisbiga moderaterna.

”Waxaa ku wargeliyey guddoomiyaha guddiga doorashada in aan doonayo in aan ka tago xilka hoggaan xisbiga”, ayey shir saxaafadeedka ka tirir hoggaamiyahii hore Moderaterna.

Is casilaada Kindber Batra ayey timid ka gadaal todobaadkaan oo dhan oo ay iska soo dabo dhacaysay dalabyo is casilaad oo ay u soo jeedinayeen xubno sare oo ka tirsan xisbiga iyo qaar ka mid ah golayaasha fulinta laamaha xisbiga ku leeyahayn daafaha dalka.

Kindberg Batra ayaa sheegtay in ay ugu dembeyn gar waaqsatay in aysan jirin kalsooni lagu qabo ay ku sii hoggaamin karta xisbiga Moderaterna.

”Si doorashada soo socota aan u hano xukunka waxaa ii soo baxday in aysan jirin shardiyada taa gundhiga u ah”. Iyadoo qirtay in aysan ku qanacsanayn xaaladda xisbiga Moderaterna ku sugan yahay.

Kindberg Batra ayaa la weydiyey in ay ka qoomamaynayso go’aankii ay horey u qaadatay oo ahaa in Moderaterna wadoshaqeyn la yeeshaan xisbig Sverigedemokraterna, taas oo loo aaneynayo sabab in ay u noqotay hoos u dhaca taageero ee xisbiga. Waxa ay ku adkaysatay in ay jirin wax ay ka shalaynayso:

”Ma jirto wax aan ka shalaynayo. Dabcan waa sahlan tahay gadaal in laga qocdo, saas oo kalena waa sahlan tahay in laga cowdo xaaladda aan wanaagsanayn. Bale waa ka dhib badan tahay in lagu soo aadiyo xilliga saxda ah. Balse in taagero laga raadiyo dhamaan baarlamaanka dalka ma ahan wax aan ka qoomamayno balse waa wax ay tahay xisbiyada oo in ay sameeyaan”, ayey ku jawaabtay Kindberg Batra.  

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".