Degmooyin soo saaray dhabatus ku saabsan faraxumeeynta caruuraha.
Degmooyin soo saaray dhabatus ku saabsan faraxumeeynta caruuraha. sawir: Hasse Holmberg/TT

Degmooyin soo saaray dhabatus ku saabsan faraxumeeynta caruuraha

Ka hor taga faraxumeeynta caruuraha
1:32 min

Habka ay degmooyinka dalkani uga hor tagaan dembiyada faraxumeeynta loogu geeysto dugsiga xannaanada ee förskola ayaa kala duwan.

Degmada Leksand ayaa ka mid ah kuwa soo saaray istraatatijo ku saabsan si looga hor tagi lahaa dembiyadan. Sidaas ayey sheegtay Linda Karlsson oo hogaamisa qeeybta dugsiyada hoose ee degmadan.

-Waxaanu soo saarnay dhabatus la xidhiidha habka xafaayadaha looga bedelo caruurahan iyo qaabka loo caawin lahaa caruurahan marka ay musqusha u baahdaan, ayey sheegtay Linda Karlsson.

Baadhitaanka l´aanta Ekot ee Raadiyaha Iswiidhan ayaa  tusaya in ay saddex daloolo mid degmooyinka dalkani haystaan istraatatijo ku saabsan sii looga hor tagi lahaa dembiyada faraxumeeynta caruuraha.

Hasayeeshe ayey degmadda Kinda ee gobolka Östergötland caddeeysay in aaney ka mid ahin kuwan.

– Waa arrin aanu kala hadalnay macallimiinta dugsiyadan, hasayeeshe ayey ila tahay in loo baahneeyn istraatatijo u gaar ah dembiyadan. In xuquuqda caruur walba ilaaliyo waxeey ka mid tahay shaqada macallimiinta iskuuladan, ayey u jeeda Sara Frank oo ka hawlgasha degmada Kinda.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".