Kista Träff
1 av 2
Kulan dhex marey ururka is-baheeysiga ururrada Soomaaliyeed iyo hayadda deeqada ee SIDA. sawir: Foto: Kenadid Mohamed.
Kista Träff.
2 av 2
Kista Träff. Somaliska Riksförbundet och SIDA. Foto: Kenadid Mohamed/SR. sawir: Foto: Kenadid Mohamed/SR

Habane: Wada shaqeeyntu waxay ka bilaabataa kulan iyo isfahan

Howlaha wada-shaqeeynta hor-u marka Soomaaliya ee Sweden
4:06 min

Kulan ka dhacay xarunta kulammada ee xaafadda Kista (Kista Träff) waxaa xalay isugu yimid hoggaanka iyo xubno ka socda ururka is-baheeysiga ururrada  Soomaaliyeed iyo howl-wadeenno ka socday hayadda deeq bixinta ee dalka Sweden ee magaceeda loo soo gaabiyo SIDA.

Habane Xasan ayaa sheegay in kulankani hor-dhac u yahay kulan-weyne ay hadda SIDA yeelan doonto bisha septeembar ee sannadkan, maadaama sida uu qabo loo baahan yahay inuu dhaco is-fahan si dhanka wada-shaqeeynta tallaabo loogu qaado:

Arrimmaha u muuqda ururka is-baheeysiga ururrada Soomaaliyeed ee dalka Sweden ee loo baahan yahay in muhiimadda la siiyo kolka laga hadleyo taageerada uu dalka Sweden u fidiyo iyo wada-shaqeeynta hor-u-marineed ee ka dhexeeya ayaa ah saddex arrimmod: Dhanka kobaca tacliinta, dhismaha kaabiyeyaasha dhaqaale iyo ganacsi dhex mara labada waddan:

-Aqoontu waxay baabi’isaa jahliga. Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay inay ka baxdo halkii uu jaahilka iyo qabqabluhu hagi lahaa ee loo soo hor-marin lahaa aqoon-yahanka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".