Anna Kinberg Batra.
Anna Kinberg Batra (M). sawir: Fredrik Sandberg/TT

Baadigoob loogu jiro hoggaamiye lagu bedelo Anna Kinbeg Batra

Kadib is casilaadii hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna Anna Kinberg Batra ayey bilaabatay baadigoobka loogu jira hoggaamiye cusub oo xisbiga Moderaterna yeesho.

Waxaa jira dhowr magacyo oo la wadwado kuwaas oo loo saadaalinayo qabashada hoggaanka xisbiga Moderaterna. 

Kristensson, 53 jir

Magacyada la wado waxaa ugu horeeya Ulf Kristensson oo xildhibaan baarlaamanka ku jira, ahna afhayeenka siyaasadda dhaqaalaha ee xisbiga. Horeyna waxa uu u soo ahaan jiray wasiirka arrimaha caymiska bulshada xukuumaddi isbahaysiga.  

Svantesson, 49 jir

Magac kale waa Elisabeth Svantesson oo hadda ah guddoomiye ku xigeenka xisbiga horeyna u ahaan jirtay wasiirka suuqa shada xukumaddii uu horumoodka ka ahaa Fredrik Reinfeldt. Waxaa loo haystaa in ay tahay shaqsi doodda ku wanaagsan taageerano ku dhex leh xisbiga.  

Odenberg, 63 jir

Magaca saddexaad waa Mikael Odenberg, 63 jir rug cadaa ah oo waqti siyaasadda ku soo jiray. Waxaa uu ku caan baxay dejinta siyaasadda cusub ee dhaqaalaha ee xisbiga. Waxaa la saadaalinayaa inuu taagero ku dhex leeyahay xisbiga.

Forssell, 37

Johan Forssel oo xisbiga u qaabilsan siyaasadda socdaalka. Horey waxa uu guddoomiye uga ahaan jiray MUF oo ah laanta dhallinyarada xisbiga, hadana xildhibaan baarlamaanka u fadhiya xisbiga. Gaar ahaan waxaa lagu tiriyaa in uu taageero ka haysto garabka konservativ-ka ee xisbiga.

Isha: SVT Nyheter, Dagans Nyheter

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".