Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xoghayntii Löfven oo is casishay

La daabacay måndag 28 augusti 2017 kl 07.10
Emma Lennartsson. Foto: Mia Olofsson/Kommunal.
Emma Lennartsson. Foto: Mia Olofsson/Kommunal.

Howl-wadeenkii ugu dhowaa, gacan-yarihii madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven(S), Emma Lennarstsson ayaa iska casishay shaqadii, kadib war-bixinno hor leh oo laga ogaadey fadeexaddii IT-ga ee hayadda hoggaanka gaadiidka, sida uu qoray war-geeyska Dagens Nyheter.

-Waxaan galay khalad, sida ay sheegtay iyada oo war-geeyska u warrameeysay.

Lennartsson ayaa horay u sheegtay inay soo gaartay war-bixintii fadeexadda markii ugu horreeysay bishii diseembar ee sannadkii 2016. Hase yeshee iminka sheegtay inay ka qayb qaadatay ugu yaraan laba kulan oo guud ahaan lagu war-gelinayey xaaladda ammaanka, halkaasina oo lagu sheegay inay socoto baaris fadeexadda la xiriirta , hase yeeshee aanay fahmin muhiimadda iyo halista, iyo in aanay xasuusan in ammuurtaa lagu soo qaaday kulanka iyo in kale.

Kullammadaa mid ka mid ah ayaa dhacay bishii feeberaayo 2016, ugu yaraan 10 bilood ka hor sidii ay horay u sheegtay.

-Middan ayaa ka dhigan inaan laba jeer suurtagal ugu lahaa kullammadaa inaan su’aallo dheeri ah weydiiyo. Ma aanan sameeyn. Khaladaadkaa ayaan ii saamaxayn inaan howshayda halkaa ka sii wato, sida ay u sheegtay war-geeyska DN.

Is casilaad deg deg ah

Shaqa ka fariisiga Emma Lennartsson ayaa lagu falanqeeyay kulan degdeg ah oo uu yeeshay golaha wasiirradu galab-nimadii axaddii. Iyadoona shaqadii isla wakhtigaaba ka tagtay mag-dhow la’aan.

War-geeyska DN oo weeydiiyay su’aal la xiriirtay inuu madaxa dawladdu uu qayb ka ahaa shirar arrimmahaa lagu falanqeeynayay oo aanay sidoo kale halistiisa fahmin ayay Lennartsson sheegtay in aanay sidaa u maleenayn.

Su’aal ahayd inay madaxa dawladda ay dhibaato ka ilaalinayso waxay ku jawaabtay:

-May, su’aashan layrka ayaa lagu ifiyay wuxuuna madaxa dawladdu sheegay in loo baahan yahay sidii loo caddeeyn lahaa fadeexaddan.

Madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven ayaa kaga faallooday shaqa ka fariisiga Emma Lennartsson qoraal uu u diray hayadda wararka Sweden ee TT:...

"Emma Lennartsson waa howl-wadeen xirfad u leh howsha xog-haynta hase yeeshee maanta soo ban-dhigtay inuu khalad ka dhacay. Waxayna go’aan ku gaartay inay shaqada ka fariisato aniguna fahan ayaan u hayaa tallaabadaa. Waxaan mustaqbalka u rajeeynayaa nasiib wacan."

"Baaris ballaaran"

Guddoomiyaha guddi-hoosaadka baarlamanka ee dastuurka (KU) Andreas Norlén (M) oo ka faallooday shaqa ka fariisigii Emma Lennartsson ayaa sidan u sheegay TT:

-Ma doonayo inaan ka hor dhaco baarista guddi-hoosaadka KU ee dhowaantan la bilaabay. Akhbaartanina waxay muujinaysaa sida ay muhiimadda u leedahay inuu guddi-hoosaadku baaristiisa u guto, isla markaana uu soo ban-dhigo habkii ay dawladdu u maareeysay fadeexaddii halista ku ahayd ammaanka.

Su’aal la xiriirtay in xaaladdan cusub wax ka badalayso habakii baarista ee guddi-hoosaadka wuxuu yiri Andreas Norlén:

-May, sidaa u qiimeeyn maayo ee KU waxay ku guda jirtaa baaris ballaaran oo eegaya dhammaan howlaha habkii madaxtooyadu ay u maareeysay su’aashaa.

Guddi-hoosaadka baarlamanka ee dastuurka (KU) ayaa bilaabay 17 agoosto howshiisa la xiriirta baarista fadeexaddii IT-ga ee hayadda hoggaanka gaadiidka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".