Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Arkivbild. Emma Lennartsson med Stefan Löfven och Magdalena Andersson. Foto: Leif R Jansson / TT
Emma Lennartsson iyo reysal wasaare Stefan Löfven.Sawirkii : Leif R Jansson / TT

Fadeexaddii hey’adda gaadiidka oo sababtey in xogheyntii Löfven iscasisho

Fadeexaddii hey'adda gaadiidka oo sababtey iscasilaadda xogheyntii Löfven
2:32 min

Emma Lennartsson oo aheyd xogheyntiisa gaarka aheyd reysal wasaarahe Stefan Löfven ayaa is casishey ka dib markii warar dheeraad ah oo cusub laga heley fadeexaddii la xiriirtey isgaarsiinta IT-ga.

Emma Lennartsson ayaa wargeyska u sheegtey in ay qaladaad sameysey.

Xilli sii horeeyey ayey Emma Lennartsson sheegtey in bishii december ee sanadkii 2016-kii ay heshey wararka la xiriira arrinkii ka dhacey hey’adda gaadiidka dalkaan Sweden.

Emma Lennartsson ayaa ugu yaraan waxay laba jeer ka qeybgashey shirar ay goobjoog ka ahaayeen ciidamada sirdoonka dalkaan Sweden, kuwaas oo lagu falanqeynayey wararka la xiriira hey’adda gaadiidka balse waxay sheegtey in aysan waxba ka xasuusan waxyaalihii shirarkaas lagu gorfeeyey isla markaasna aysan markaas fahansaneyn khataraha uu arrinkaasi xanbaarsan yahay.

Shir arrinkaas looga hadlayo ayaa la qabtey bishii febraayo sanadkii 2016-ii, xilligaas oo muddo toban bilood ah ka horeysa waqtiga ay Emma Lennartsson sheegtey in kulanka arrinkaa ku saabsani uu markii ugu horeysey qabsoomey.

Emma Lennartsson ayaa iscasishey ka dib markii golaha wasiiradu ay shir isugu yimaadeen maalintii axadda ee la soo dhaafey.

Reysal wasaare Stefan Löfven ayaa isagoo arrinkaan ka hadlaya wuxuu sheegey in Emma Lennartsson ay aheyd xogheyn shaqadeeda ka adag balse ay jiraan qalalaad dhankeeda ka dhacey sidaas daraadeedna shaqada ay uga tagtey, wuxuuna xoghayihiisaas hore u rajeeyey guul.

Guddi hoosaadka baarlamaanka dalkaan Sweden u qaabilsan dhanka dastuurka ayaa bishaan agoosto 17-keedii wuxuu baaritaan ku bilaabey arrinka la xiriira fadeexaddii ka dhacdey hey’adda gaadiidka dalkaan Sweden.

Gudoomiyaha guddi hoosaadka baarlamaanka dalkaan Sweden u qaabilsan arrimaha dastuurka Anders Norlen ayaa isagoo ka faaloonaya iscasilaadda xoghayihii reysal wasaaraha dalkaan Sweden Emma Lennartsson, ayaa wuxuu sheegey ahamiyadd ay leedahay baaritaanka uu bilaabey guddi hoosaadka baarlamaanka u qaabilsan arrimaha dastuurku si buu yiri loo baaro habkii iyo qaabkii ay dawladda dalkaani u maareysey arrinkaas ah mid ahamiyad dhanka amniga ah u leh dalkaan Sweden.

Xilli sii horeysey ayaa arrintaan darteed waxaa jagooyinkii ay hayeen ka dagey Anders Ygman oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha dalkaan Sweden iyo Anna Johansson oo iyana aheyd wasiirka gaadiidka.

Waxaa kaloo iyana wali taagan handadaad la xiriirta in codka kalsoonida loo qaado wasiirka gaashaandhigga dalkaan Sweden Peter Hulqvist oo ay soo jeedinayaan xisbiyada isbahaysiga ee mucaaradka.

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".