Centerpartiets Annie Lööf. Foto: Fredrik Sandberg/TT.
Hogaamiyaha xisbiga Center-ka Annie Lööf. Sawirkii : Fredrik Sandberg/TT.

LÖÖF: Warar khatara xoog leh xanbaarsan ayaa soo if-baxay

Lööf: Warar khatar xoog leh xanbaarsan ayaa soo if-baxay
1:42 min

Hogaamiyaha xisbiga Center-ka Annie Lööf ayaa sheegtey in wararka la xiriira xoheynta reysal wasaare Löfven ay tahay mid aad khatar u ah.

Annie Lööf ayaa intaas ku dartey in ay muhiim tahay in guddi hoosaadka baarlamaanka dalkaan Sweden u qaabilsan arrimaha dastuurku uu baaritaankiisa sii wado.

Maalintii axadda ayey aheyd markii ay xogheyntii reysal wasaaruhu Emma Lennartsson iscasishey, waxaana iscasilaadeedaas lala xiriiriyey fadeexaddii dhanka IT-ga ee ka dhacdey hey’adda gaadiidka dalkaan Sweden.

Hogaamiyaha xisbiga Center-ka Annie Lööf oo dhacdadaan ka faalooneysa ayaa waxay tiri:

- Wararkaan hadda soo baxey waa kuwa xanbaarsan khatar xoog leh, waana kuwo su’aala badan oo la xiriira wixii dhacey la iska weydiin karo. Waxayna taasi muujineysaa wararkii ay dhab ahaan dawladdu arrinkaas ka ogeyd, ayey tiri Hogaamiyaha xisbiga Center-ku Annie Lööf.

Hogaamiyaha xisbiga Center-ka Annie Lööf ayaa intaas ku dartey in ay muhiim tahay in baaritaankiisa uu sii wado guddi hoosaadka baarlamaanka u qaabilsan arrimaha dastuurku, uu baaritaan ku sameeyo arrinka la xiriira wararkii ay waxa dhacey ka ogeyd  Emma Lennartsson iyo waliba wixii reysal wasaaraha dalkaani ka ogaa fadeexaddii ka dhacdey hey’adda gaadiidka dalkaan Sweden ,baaritaankaanina waa mid aad iyo aad muhiim u ah maadaama aanu arrinkaan wax yar ka ognahay , ayey tiri Hogaamiyaha xisbiga Center-ku Annie Lööf.

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".