Foto: TT, Sveriges Radio.
Reysal wasaare Stefan Löfven iyo wariye Fredrik Furtenbach . Sawirkii : TT, Sveriges Radio.

Faalo: Lennartsson waxay isu casishey si Löfven u badbaadiso

"Ujedaada waxa ay ahaan kartaa in lagu badbaadiyo ra'iisalwasaaraha".

Sidaas waxaa yeri Fredrik Furtenbach oo waaxda wararka idaacadda Ekot uga faalooda siyaasadda arrimaha gudaha, kana faalloonayey is casilaadii xogheyntii ra'iisalwasaaraha Emma Lennertsson.

Fredrik Furtenbach ayaa intaas raaciyey:

- Sida degdegga ah oo ay dawladdu arrinkaan u maareysey wuxuu u muuqdaa mid ay rabto in ay arrinkaan si dhakhsa ah u maareyso, ayuu yiri Fredrik Furtenbach oo waaxda wararka idaacadda Sweden uga faalooda siyaasadda arrimaha gudaha.

Maanta oo isniin ah ayaa waxaa arrinkaas iyaguna ka hadley hogaamiyayaasha xisbiga Center-ka Annie Lööf iyo Jan Björklund oo ah hogaamiyaha xisbiga Libaraal-ka, kuwaas oo xukumadda ku dhaliiley sidii ayu maareysey fadeexaddii ka dhacdey hey’adda gaadiidka.

Waxaa iyaduna wali taagan handadaadii xisbiyada mucaaradka ee ku saabsaneyd in codka kalsoonida loo qaado wasiirka gaashaandhigga dalkaan Sweden Peter Hultquist.

Fredrik Furtenbach ayaa sheegey in arrinkaani uusan u muuqan mid khatar ku ah jagada uu hayo reysal wasaare Stefan Löfven :

- Waxaan qabaa in arrinkaani uu intii muddo ah booska reysal wasaaraha xeyndaab u sameyn karo. Xisbiyada alliensi-gu wali kama tashan xaalka wasiirka gaashaandhigga Hultqvist, balse aan aragno waxa ay ku danbeyso, ayuu yiri Fredrik Furtenbach oo waaxda wararka idaacadda Sweden uga faalooda siyaasadda arrimaha gudaha.

Nils Vikmång ayaa noqdey xoghayaha reysal wasaare Stefan Löfven ka dib markii ay booskaas maalintii axadda iska casishey Emma Lennartsson.

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".