Ulf Kristersson, af-hayeenka dhaqaalaha ee xisbiga M.
Ulf Kristersson, af-hayeenka dhaqaalaha ee xisbiga Moderaterna. sawir: Claudio Bresciani/TT

Laamaha xisbiga M oo soo jeediyay Ulf Kristersson inuu hoggaamiyo

Saddex ka mid ah laamaha gobollada ee xisbiga Moderaterna ayaa illaa hadda soo jeediyay inuu Ulf Kristersson, af-hayeenka xisbiga ee dhaqaaluhu uu jagada kala wareego Anna Kinberg Batra.

Laanta gobolka Norrbotten ayaa markii ugu horreeysay ku dhawaaqday iyada oo ey raaceen laammaha gobollada ee Sörmland iyo Västerbotten oo u magacaabay inuu Ulf Kristersson u istaago xilka hoggaanka xisbiga Moderaterna.

Ulf Kristersson, iminkana haya jagada af-hayeenka dhaqaalaha ee xisbiga ayaa ka mid ah dadyoowga lagu tilmaameyo iney ugu cadcad yihiin sidii ey jagadaa ku qaban lahaayeen, halkaasina oo ay dhowaantan iska casishay hoggaamiyihii xisbiga Anna Kinberg Batra. Cidda kale ee lagu tuhun-san yahay jagadaa inay ku cad cad tahay ayaa ah Elisabet Svantesson, ahna af-hayeenka siyaasadda suuqa shaqada ee xisbiga M, hase yeeshee aan weli la soo ban-dhigin. Illaa iyo hadda ayey har-san yihiin 22 laamood ee xisbiga metelaa iney soo jeediyaan fikirkooda la xiriira cidda ey jeclaan lahaayeen inuu xisbiga hoggaankiisa qabto.

Ulf Kristersson, ahna 53 jir wuxuu horay u soo qabtay jagooyinka wasiirka caymiska  bulshada ee dawladda Alliansen-ka, isga oo wixii ka dambeeyay 2014-kii si dhow uga ag shaqeeynayay Anna Kinberg Batra.

Dhowaantan ayuu sidoo kale ku dhawaaqay inuu xilkaasi u taagan yahay Mikael Odenberg, horayna mar u ahaa wasiirkii difaaca ee dawladdii Alliansenka.

Guddiga doorashooyinka ayaa ururin doona fikirrada ilaa iyo 12-ka bisha septeembar.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".