Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

1-da oktoobar oo la iclaamiyey doorashada hoggaamiyaha M

Moderaterna
Saddex ruux ee illaa hadda la magacaabay ama is magacaabay iney u taagan yihiin hoggaanka M.

Hoggaamiyaha cusub ee bedeli lahaa Anna Kinberg Batra, hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna ee jagada iska casishay ayaa la go’aamiyey in la dooran doono 1-da bisha oktoobar oo uu dhici doono kulan aan caadi ahayn.

Xubnaha iyo ururrada xisbiga ayaa lagu dhiiri-gelineyaa iney laamaha gobollada iyo ururrada u soo gudbiyaan magacyada cidda ey la jeclaan lahaayeen inuu/inay jagadaasi buuxiyo/buuxiso.

Weli lama cayimin goobtii iyo magaaladii lagu qaban lahaa kulanka aan caadiga ahayn, waxaase keliya oo la sheegay inuu ka dhici doono nawaaxiga Stockholm. Horay waxaa looga doodsanaa inuu kulanka aan caadiga ahayn dhaco 8 iyo 9-ka bisha oktoobar, hase yeeshee iminka la soo hormariyey muddo toddobaad ah.

Kulanka waxaa lagu dooran doonnaa oo keliya hoggaamiyaha xisbiga ee ma noqon doono kulan lagu doorto xilka kuraasta hoggaanka sare ee xisbiga.

Laamaha gobollada, ururrada, ururka dhallinyarada ee MUF, ururka haweenka (M-kvinnor), Moderat-ka furan (Öppna Moderater) iyo Moderat-ka howl-gabka (Moderata seniorer) ayaa loo qabtey illaa iyo 11-ka bisha sebteembar iney soo ban-dhigaan cidda ey jagadaa la jeclaan lahaayeen, Sida uu sheegay Anders Edholm, xog-hayaha xisbiga Moderaterna.

Illaa iyo hadda saddex laama-goboleed ayaa soo jeediyay af-hayeenka dhaqaalaha ee xisbiga Ulf Kristersson inuu la wareego kursiga ay bannayn doonto Kinberg Batra.

-Waa mid ay xaq u leeyihiin, sida uu sheegay Anders Edholm, xog-hayaha xisbiga Moderaterna.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".