Hultqvist
Peter Hultqvist (S), wasiirka difaaca Swden. sawir: Magnus Hjalmarson Neideman/SvD/T

Allansen oo weli ku goodinaya kalsooni kala noqoshadii

Peter Hulqvist oo weli miiska kalsoonida saaran
2:43 min

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada garabka midig ee Alliansen oo maanta mar kale ka xaajoodey sidii ey ka yeeli lahaayeen baaqii kalsooni kala noqoshada wasiirka difaaca Sweden Peter Hultqvist waxey isla garteen in hoowshaa halkeedii ey ka sii wadaan.

-Waxay go’aan ku gaareen in kalsooni kala noqoshadii ay halkeeda ka sii wadaan. Tallaabadan ayaa ka dambeeysay kolkii dhowaantan, axaddii ina dhaaftay ay jagadii iska casishay xog-hayehii madaxa doowladda Sweden Emma Lennartsson. Middaasina oo dardar hor leh gelisay dooddii, sida uu sheegay Fredrik Furtenbach oo idaacadda uga faaloodda siyaasadda arrimmaha gudaha.

Wasiirka difaaca Peter Hultqvist ayay dhaleeyceemmo kala soo wajaheen iyada oo lagu eedeeyey in aannu ku war-gelin madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven ama shaqaalihiisa ee fadeexaddii IT-ga ee hayadda hoggaanka gaadiidka.

Kolkii ay xog-hayeha Löfven Emma Lennartsson ay shaqada ka fariisatay ayay sheegtay  in war-bixintu soo gaartay muddo ka horreeysay sidii horey loo ogsoonaa, hase yeeshee aanay u gudbin Löfven.

-Arrinkan ayaa dardar geliyay dooddii la xiriirtay in loo baahan yahay in wasiirka difaaca kalsoonida lagala noqdo, maadaama ay war-bixinta horay loogu eedeeyay in aanu Löfven u gudbin ay tiilay meel ka sokeeysa ee ah madaxtooyada.

Hase yeeshee sida laga soo xigtay hoggaamiyeyaasha garabka midig ee Alliansen aanay shaqa ka fariisiga ay ku tallaabsatay Emma Lennartsson aanay ku fillayn in la masuuliyadda laga cafiyo Peter Hultqvist,

Xisbiyada garabka midig ee Alliansen waxey ku adkeeysaneyaan inay weli jirto suurtagal Peter Hultqvist looga baajin karo kalsooni kala noqoshada haddii ey soo baxaan arrimmo kale ee masuuliyadda ka qaadaya wasiirka. partierna står även fast vid att det finns möjlighet att dra tillbaka misstroendeförklaringen om ny viktig information om Hultqvists roll skulle komma fram.

                                                         Somali@sverigesradio.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".