Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Tuugsiga oo laga mamnuucayo degmo ku taal Sweden

La daabacay tisdag 29 augusti 2017 kl 16.22
Guddoomiyaha degamda: waa arrin dadka taageersan yahiin
1:33 min
Tiggeri
Tuugsiga ayaa laga mamnuucayaa bartamaha degmada Vällinge. sawir: Björn Lindgren /TT

Degmada Vellinge kommun oo ku taal gobolka Skåne koonfurta Sweden ayaa damacsan in ay noqoto degmadii ugu horeysay oo laga mamnuuco tuugsiga.

Golaha degamda ayaa waxaa horyaala hindise arrintan ku saaban oo la saadaalinayo maanta in maalmulkada degmada go’aan ka soo saaro.

Guddoomiyaha Degmadas Carina Wutsler oo ah xildhibaanad ka tirsan xisbiga Moderaterna ayaa sheegtay in hindisahan uu taageero ka hasyto inta badan dadka degamda:

– Siyaasad ahaan ma malaynayo in xisbiyada oo dhan taageersan yahiin laakiin waa mid dadka degmada intooda badan taageersan yahiin, sidaasna waxa aan ka dareemay jawaab celinada iga soo gaarayaha dadweynaha, ayey tiri.

Sannadkii 2011 ayey isku deyday degmo la yiraahdo Sala Kommun in ay mamnuucdo tuugsiga balse maamulka gobolka Västmanland oo degamadaan ka tirsan tahay ayaa go’aankii degmada waxba kama jiraan ka dhigay. laakiin Carina Wutzler guddoomiyaha Vällinge ayaa rajaynaysa in degmadaan si ka wanaagsan ugu guuleysan doonta arrinkan ah in la mamnuuco tuugsiga.

– Fursadaha aan ku meelmarin karno waa badan yahiin. Halka degmada Sala Kommun mamnuuceeda ahaa mid good, annaga mamnuuciddeena waxa ay ku salaysnaan doonta goobo gaar ah oo aan ku aragnay dhibaato tuugsiga u soo jiiday.

Qaybaha ay degamda damacsan tahay in ka mamnuucodo tuugsiga ayaa lagu sheegay in ay ku yaalaan bartamaha degagmada.

Gelinka dembe galabnimada talaadada ayaa la filayaa in golaha degmada arrintan la horkeeno kadibna cod loo qaado.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".