Maxkamadda degmada Vännersborg.
Xarunta maxkamadda degmada Vännersborg. sawir: Björn Larsson Rosvall/TT

Nin soomaalida u aflagaadooday oo maxkamad looga yeerey nofeembar

Maxkamadda degmada Vänersborg ayaa u yeertay 9-ka bisha noveembar nin horay uga tir-sanaan jiray xisbiga Sverigedemokraterna (SD) una meteli jiray hoggaanka Färgelanda.

Ninkan oo lagu magacaabo Jan Sohl wuxuu ku eedeey-san yahay falka dembiyada ee isku-dir qowmiyadaha kala duwan - (hets mot folkgrupp), maadaama uu bishii jannaayo uu ku qoray ereyo af-lagaado ku ah qowmiyadda soomaalida bog furan ee Facebook. Isga oo soo qaatay sawir kooxda ciyaartooyda xeegada barafka ee baandiga kuna qoray: ”Bal eega  hab wanaagga ey qoriga u maareeyneyaan, waa xaqiiq in qorigu u noqon karo hub bulsho ka soo jeedda qarniyadii hore ee aan il-bax ahayn. Waxay u eg tahay in waxa keliya oo ey yaqaanaan ay tahay kufsi iyo dagaal”.  

Xeer-ilaaliyaha ayaa u haysta cadeeymo ah sawirro laga qaaday qoraalkaa.

Jan Sohl ayaa iska dheereeyay inuu wax dembi ah galay: ”Waxaan un ka faalloonayay ciyaartii bandiga waa mid ku habboon marka in sawir xaqiiqda ka tarjumaya laga bixiyo”.

Sohl ayaa bishii abriil ee sannadkan laga erey xubin-nimadii xisbiga, middaasina ugu wacan tahay hab-dhaqankiisa qoraal ee aaladaha bulshadu ku kulmaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".