Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Carl Bildt oo sheegey in uusan isu soo sharaxeyn hogaanka xisbiga (M)

La daabacay torsdag 31 augusti 2017 kl 10.34
Foto: Maja Suslin/TT
Carl Bildt. Sawirkii : Maja Suslin/TT

Reysal wasaarihii hore ee dalkaan Sweden Carl Bildt ayaa sheegey in uusan u sharaxneyn qabashada jagada hogaamiyaha xisbiga Modaraat-ka balse uu xisbiga caawinayo.

Carl Bildt ayaa sidaas u sheegey wargeyska Expressen.

Carl Bildt ayaa hogaamiye u ahaa xisbiga Modaraat-ka intii u dhexeysey sanooyinkii 1986-dii ilaa iyo sanadkii 1999-kii, sidoo kalana wuxuu jagada reysal wasaaraha dalkaan Sweden hayey muddaddii u dhexeysey 1991-dii ilaa iyo 1994-tii.

Qaar badan oo ka tirsan xisbiga Modaraat-ka ayaa raba in siyaasigaan ruug caddaaga ahi dib ugu soo noqdo siyaasadda isla markaasna hogaanka u qabto xisbiga Modaraad-ka oo imminka baadigoob ugu jira qofkii xisbigooda hogaanka u qaban lahaa.

Hogaamiyihii xisbiga Modaraad-ka Kinberg Batra ayaa dhawaan ka degtey xilka hogaamiyaha xisbiga Modaraad-ka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".