Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
dhismaha wadooyinka tareenanada dheereeya ayaa laga hadli doonnaa warsaxaafadeed ay qaban doonaan hayadda waadooyinka iyo gaadiidka.
dhismaha wadooyinka tareenanada dheereeya ayaa laga hadli doonnaa warsaxaafadeed ay qaban doonaan hayadda waadooyinka iyo gaadiidka. sawir: Anders Ahlgren/SvD/TT

Qorshaha dhismaha waddooyinka tareenda oo laga warbixindoono

shirjaraa'id oo la sugyo in laga hadlo dhismaha wadooyinika tareenada.
2:18 min

Maanta waxa la sugayaa inay soo baxdo dood muhiim ah ee dhismaha waddooyinka xaddiidka ee tareennada degdegga u socda, kulan la isugu iman doono sidii looga doodi lahaa qorshaha wakaaladda gaadiidka ee dhismaha waddooyinka xaddiidka muddada u dhexeeysa sannadaha 2018 illaa 2029.

Dhisitaanka waddooyinka tareennada ee  xawaaraha dheer oo isku xidhaya saddexda magaalo ee ugu waaweeyn waddanka ee Stockholm, Göteborg iyo Malmö ayaa dooddoodu mudo socotay iyada oo maanta la filaayo in wakaaladda gaadiidka ay cod muhiim ah ku soo kordhin doonto dooddan.

Dhismaha wadooyinka waxa la filayaa in ay ku kacaan 620 bilyan, tan oo ah maalgelintii ugu weeynayd ee wixii ka danbeeyey lixdanaandkii. Balse ilaa hada lagama ansixin baarlamaanka, waxaana la filaayaa in lagu kala duwanaan doono qorshahan, oo xukuumada ka kooban xisbiyada Socialdemokraterna iyo Miljöpartiet doonayso in ay si tartiib tartiib ah u hirgeliyaan. Halka ay jiraan codad dhaliilsan qaabkan oo sheegaaya in ay jirto khatar ah in dhismuhu raago oo qaato ilaa 2060 hadii tartiib marba in loo dhiso. 

Warbixinta maanta duhurka ay soo bandhigayso wakaaladda gaadiidka ayaa laga filayaa in ay kaga hadlaan sida lacagtan loo isticmaalayo, meelaha dhaqaale dheerad ah laga helayo, muddada iyo sida qorshahan lagu hirgelinayo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".