Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
En polis har blivit skadad vid Medborgarplatsen i Stockholm. En person har gripits. Foto: Fredrik Sandberg / TT
Sawirkii : Fredrik Sandberg / TT

Askari boolis ah oo lagu dhaawacey barxadda Medborgplatsen

Askari ka tirsan ciidamada booliiska ayaa ku dhaawacmey maanta barxadda Medborgarplatsen, halka dhanka kale isla goobtii qof lagu qabtay.

Anders Bryngelsson oo ka tirsan ciidamada booliiska ayaa isagoo la hadlaya waaxda wararka idaacadda Sweden ee Ekot, wuxuu yiri sidan soo socota:

- Askari booliiska ka tirsan ayaa ku dhaawacmey Medborgplatsen, waxaana loo qaadey isbitaalka, ilaa haddana ma cadda heerka uu le’eg yahay dhaawaca askarigaas soo gaarey, sida uu sheegay.

Wargeyska Aftonbladet ayaa isna dhankiisa wariyey in askarigaas booliska ah middi qoorta looga dhuftey isagoo waardiye ka haya barxadda Medborgarplatsen.

Wargeyska Aftonbladet ayaa sheegey in askarigaas dhaawaca soo gaarey uu ahaa mid fudud uuna hadda ka baxay isbitaalkii la geeyey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".