Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Urur u istaagay inuu u doodo caruuro walidkood laga kaxeeyay

Naciima:"Waa in aan qeeyliyo oo dumarka aan guryahooda ka soo saaro"
4:01 min
Ururka Midnimo. Yaasiin Muuse, Naciima iyo Mustafe Amaare.
Ururka Midnimo. Yaasiin Muuse, Naciima iyo Mustafe Amaare. sawir: Mona Ismail Jama/Sveriges Radio.

Bilihii ugu dambeeyay ayey dhacdooyin la xidhiidha caruuraha soomaaliyeed baqdin ku abuureen waalidiinta magaalada Trollhättan ka dib degmada oo go´aansatay in qaar ka mid ah caruuraha soomaaliyeed laga kaxeeyo qoysaskooda.

Ilmaha waxaa lagu meeleeyay waxaa af- iswiidhishka lagu yidhaahdo familjehem - (guriga qooyska).

Sidaas daraadeed ayaa dhowr bilood ka hor loo asaasay urur loogu magac darey "ururka Midnimo". Aasaaska ururka ayey ujeedadiisu tahay in uu taageero waliidka caruuraha laga qaatay islamarkaasna u kala dab qaado qooysaska iyo howlwadeenada degmada.

Sido kale ayuu ururkani muddo todoba bilood ah la socday kiisaska iyo baadhitaanada lagu wado qaar ka mid ah qoysaska ku nool magaalada Trollhättan.

Xagga hoose ka dhageeyso gudoomiyaha ururka Yaasin muuse iyo afhayeenka Naciima.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".