Arkivbild: Migranter tas ombord på Kustbevakningens fartyg KBV 002. Foto: Kustbevakningen.
Sawirkii : Kustbevakningen.

Ilaalada xeebaha Sweden oo ka soo tagaya badda Medelhavet-ka

Ciidamada ilaalada xeebaha dalkaan Sweden ayaa maanta soo gabagabeeyey hawlgalkoodii ku wajahnaa badda Medelhavet.

Ciidamada ilaalada xeebaha dalkaan Sweden ayaa intii muddo ah waxay waardiye ka hayeen biyaha u dhexeeya dalalka Talyaaniga iyo Libya, waxayna intii ay hawshaas ku jireen badbaadiyeen qaxooyi iyo tahriibayaal kor u dhaafaya 2 374 qof.

Claos Jakobsson oo ah taliyaha ciidamadaas ilaalada xeebaha ee hawshaas loo igmadey ayaa sheegey in ay ku faraxsan yihiin sida ay hawshooda u guteen ugana soo dhalaaleen, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

- Waxaanu intii hawshaas aan ku guda jirney la kulaney, gacana u fidiney dad jiran iyo kuwa dhaawac ah iyo waliba sidoo kale dad meyd ah oo tahriib ku geeriyoodey, ayuu yiri Claos Jakobsson.

Muddooyinkii danbe ayaa waxaa hoos u dhac ku yimid dadka tahriibka ah ee doomaha ku soo safra taas oo hoos u dhigtey hawlaha ay goobahaas ka qabanayeen ciidamadda ilaalada xeebaha ee dalkaan Sweden.

Muddo laba usbuuc gudehed ah ayaa la filayaa in ciidamadaani ay dib ugu soo laabtaan xeradooda ay ku leeyihiin Slite oo ku taala degmada Gotland.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".