Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Alexander oo walaal yeeshay.

Aqalka boqortooyada oo uu ku soo kordhay amiir cusub maanta

La daabacay torsdag 31 augusti 2017 kl 14.54
Prins Carl Philip, prinsessan Sofia och prins Alexander.
1 av 2
Amiir Carl Philip, amiirad Sofia iyo amiir Alexander. sawir: TT och Stina Stjernkvist/TT.
Carl Philip och biträdande chefsbarnmorska Anna Ståhl
2 av 2
Amiir Carl Philip iyo ku simaha madaxa umulisooyinka Anna Ståhl oo cisbitalka ku qabtay kulan saxaafadeed. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Qoyska boqortooyada ee Carl Philip iyo amiirad Sofia ayey ilmihii labaad wiil ugu dhashay maanta 11:24 cusbitalka Dandryd, sida lagu sheegay war ka soo baxay aqalka boqortooyada.

"War-bixinta ayaa lagu sheegay inay ilmihii iyo amiiraddii hoyada u ahaydba ey caafimaad qabaan, sida lagu qoray bogga facebook ee aqalka boqortooyada Sweden.

Ilmahan ayaa liiska dhaxal-tooyada wuxuu ka geli doonaa meesha ugu dambeeysa, iyadoona macnaheeda tahay in xilalka uu aqalka boqortooyada u qaban doono ey ka yaraan doonaan kuwa liiska kaga horreeya, sida uu sheegay caalinka Dick Harrisson.

Amiir Alexander oo ey walaalo yihiin ilmahan dhashay wuxuu liiska kaga jiraa booska shanaad, halka midka maanta dhashay uu ku xig-san doono.

Berito ayaa loo qaban doonaa duceeysi iyo alla bari saacaddu kolkay tahay 12:15, waxa lagu magacaabo Te Deum. Middaasina oo lagu qaban doono kaniisadda qasriga boqortooyada (Slottskyrkan). Waxaa maantaba loo direy casumaado madaxa dawladda Sweden, siyaasiyiinta iyo qoyska boqortooyada, sida uu qoray war-geeyska Expressen.

Bishii luulyo ee sannadkii 2010 ayuu soo shaac baxay xiriirka ka dhexeeyay Carl Philip iyo amiirad Sofia. Waxey muddo shan sannadood dabadeed ah ku aqal galeen kaniisadda qasriga boqortooyada. Halka bishii maarso ee sannadkan ay soo shaac baxday inay leedahay uurkii labaad, iyadoo lagu qiyaasayay inay dhasho bisha sebteembar 2017.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".