Gymnasie- och kunskapslyftsminister Anna Ekström
Wasiiradda maamulka dugsiyada sare iyo aqoon kororsiga Anna Ekström. sawir: Claudio Bresciani/TT

Dawladda: Maamulha dugsiga ayaa go’aanka iska lahaan doona

Xeerar howlahooda u caddeeyneya maamuleyaasha
2:06 min

Dawladda Sweden ayaa ku talo jirtan in wax laga bedelo sharciga iskuullada si loogu suurtageliyo in maamuleyaasha dugsiyadu go’aan iney ka gaari karaan xisbiyada siyaasadda ee lagu casumeyo iskuullada, sida ay dawladdu shir jaraa’id ku soo ban-dhigtay maanta.

 

Qorshaha soo jeedinta xeerka ee dawladdu ku talo jirto wuxuu salka ku hayaa sidii iskuullada loogu suurtagelin lahaa iney diidmo kala hor iman karaan xisbiyada dooneya iney iskuulladooda booqasho ku tagaan.

Dawladda ayaa u soo ban-dhigtay guddiga talada shuruucda iney iskuulladu ku xaddidi karaan booqasho ey ku yimaadaan iskuullada keliya xisbiyada xubanaha ku leh baarlamanka, goleyaasha gobollada iyo degmooyinka, baarlamanka Yurub ee habka dimoqoraadiyadda lagu soo doortey. Iskuullada ayaa sidoo kale laga mamnuucey in aaney xisbi ku diidi karin oo keliya inuu leeyahay fikirro loo fahmi karo in aaney dimoqoraadiyad aheyn.

Anna Ekström (S), wasiiradda maamulka dugsiyada sare, ayaa sheegtay in qorshahan loo soo ban-dhigeyo iyada oo loo daneeyneyo ardeyda in iskuulladu  aaney aheyn goob bulsho iyo in la dhowr bayadda howleed ee ardeyda iyo macallimmiinta.

–Cidda ugu habboon oo ay tahay inay go’aamiso fikirrada siyaasadeed ee iskuullada lala imanayo, in xisbiyada lagu casumo waxey yihiin maamuleyaasha, sida ay sheegtay.

Maanta ayaanay caddeeyn cidda hageeysa xeerka, middaasina oo sabatay iney iskuulladu ka gaabsadaan dhammaan casumaadda xisbiyada siyaasadeed.

 –Qorshaha soo jeedinta xeerkan waxaa maamuleyaashu u caddaaneeysa howshooda kaga aaddan arrinkaa, sida ay sheegtay Anna Ekström, ahna wasiiradda hoggaanka dugsiyada sare.

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".