Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Ulf Kristersson oo isku soo taagay hoggaanka xisbiga Moderaterna

La daabacay fredag 1 september 2017 kl 10.58
Moderaternas ekonomisk-politiske talesperson Ulf Kristersson
Ulf Kristersson, afhayeenka siyaasadda dhaqaalaha xisbiga Moderaterna. sawir: Claudio Bresciani/TT

Afhayeenka siyaasadda dhaqaalaha ee Moderaterna Ulf Kristersson ayaa shaaciyey in uu isku sharaxayo kaalinta hoggaanka xisbiga Moderaterna.

Bartiisa Facebook ayuu Kristersson soo dhigay fartiinta ah in uu u taagan yahay qabashada hoggaanka xisbiga Moderaterna . Afar ka mid ah laamaha xisbigu ku leeyahay gobolada dalka oo kala ah Dalarna, Västerbotten, Norrbotten iyo Sörmland ayaa horey ugu sharaxay in loo dhiibo hoggaanka xisbiga Ulf Kristersson.

"Diyaar waxa aan u ahay in aan hoggaamiyo garabka midig wado uu ugu guuleysan doono doorashada 2018, kadibna soo dhisi doona xukumad ka wanaagsan oo uu waddanku yeesho. Howshaas ayaa isku xil-qaamay inkasta oo ay jiraan dad horey u aaminsanaa in aan ahey ruux u qalma howshan", kuwaa ayaa ka mid ahaa ereyadii uu Ulf Kristersson ku qorey bartiisa Facebook.

Hoggaamiye cusub waxa uu xisbiga Moderaterna dooran doonaa 1 oktoober.

Ulf Kristersson ayaa ka mid ah dadka horey loo saadaalineyey in loo dhiibi doono hoggaanka xisbiga kadib markii todobaadkii hore ay is casishay Anna kinberg Batra oo dhowr sanno hoggaanka xisbiga Moderaterna haysay.

Ulf Kristersson ayaa xukumaddii Fredrik Reinfeldt hormuudka ka ahaa uu ka soo noqday wasiirka arrimaha caymiska bulshada, kadibna waxa uu noqday afhayeenka siyaasadda dhaqaalaha ee xisbiga Moderaterna, waana xildhibaan ka tirsan baarlamaanka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".