Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Gabriel Carl Walther: Magaca cusub ee amiirkii dhowaantan dhashay

La cusbooneeyay måndag 4 september 2017 kl 12.57
La daabacay måndag 4 september 2017 kl 11.57
Boqorka Sweden oo shaaca ka qaaday magaca amiirka
(1:44 min)
Tre människor.
1 av 4
Amiir Car Philip oo shir jaraa'id ku qabtay cusbitalka Danderyd oo uu amiirku ku dhashay iyo howl-wadeennadii cusbitalka. sawir: Fredrik Sandberg/TT
Människor
2 av 4
Qoyska amiir Carl Philip iyo wiilka yar ee dhowaantan u dhashay. sawir: TT/Kungahuset
människor
3 av 4
Amiir Carl Philip iyo amiirad Sofia iyo amiirka yar ee dhowaantan dhashay Gabriel Carl Walther. sawir: Kungahuset.se
Familj
4 av 4
AmiirAlexander oo wiil walaal ah yeeshay oo la jooga aabbihii iyo hooyadii, amiirad Sofia iyo amiir Carl Philip. sawir: Stina Stjernkvist

Gabriel Carl Walther. Awoowga, boqorka dalka Sweden Carl XVI Gustaf, ayaa kaga dhawaaqay magaca cusub ee loo bixiyay amiirka dhowaantan u dhashay reer boqor kulankii magac bixinta ee ka dhacay daarta boqortooyada ee magaalada Stockholm.

Wiilka dhowaantan ku soo biiray reer boqor oo magaca loogu yeero uu noqon doono

Gabriel, wuxuu dhashay khamiistii ina dhaaftay saacaddu kolkay ahayd 11:24 subax-nimo, waana ilmihii labaad (laba wiil) ee amiir Carl Philips iyo amiirad Sofia. Waxaa la siiyay darajada ”hertig av Dalarna” ee gobolka Dalarna.

Kulanku intii aanu dhicin ayey madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven (S) iyo ku-simaha koowaad ee af-hayeenka baarlamanka Sweden Tobias Billström (M) ey goob joog markhaati xaqiijin ka ahaayeen isla xarun ku taala aqalka boqortooyada.

–Way adag tahay sidii magac loo dooran lahaa. Maadaama aan weli si wanaag-san la iskub aran ilmaha dhashay, hase yeeshee waxaannu u heley magac, sida uu horay u sheegay amiirka aabbaha u ah wiilka Carl Philip.

Saacaddu markay tahay 12:15 maanta ayaa kaniisadda lagu qaban doonaa xaflad duco, waxa loogu magac daro Te Deum halkaasina oo ey goob joog ka ahaan doonaan qooyska reer boqor, qaraabada, xubno dawladda ka tir-san iyo il-dhibaanno iyo shaqaale ka howl gala aqalka boqortooyada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".