Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Cilmi baaris: Toogashooyin ka badan Yurubta kale ayaa Sweden ka dhaca

La daabacay tisdag 5 september 2017 kl 08.45
Cilmi baaris : Toogashooyin ka badan Yurubta kale ayaa Sweden ka dhaca
(2:34 min)
Daaqad ey xabbado ku dhaceen.
Daaqad la xabbadeeyey oo dhaawacyadii ka muuqdaan. sawir: Johan Nilsson/TT

Sweden ayey ka dhacaan toogashooyin ka badan waddammada Yurub, kolka loo barbar dhigo tirada bulshada ku dhaqan, sida ey caddeeyeen cilmi-baareyaal baaris ballaaran ku sameeyey arrinkaa.

Kolka loo barbar dhigo tirada bulshada ku dhaqan waddammada Noorway iyo Jarmalka waxaa Sweden ka dhaca toogasho afar illaa iyo shan jeer ka badan, sida ku cad war-bixin cilmi-baaris dhowaantan la soo saarey.

Magaalada Malmö waxay kaalinta koowaad kaga jirtaa falalka dembiyada is xabadeeynta kolka loo barbar dhigo tirada bulshada ku dhaqan ee saddexda magaalood ee dalka Ugu waaweyn.

Manne Gerell oo danbiyada ku takhasusey ayaa sheegey in maalmihii u danbeeyey magaalada Malmö dad badan lagu toogtey:

- Waxaan aragnaa in ay afar jibaarmeen dadka magaaladaan lagu toogtaa, meelaha daafaha magaalada ahna ay khatartu ku sii badan tahay, waxaana arrinkaan loo baahan yahay in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo, tusaale ahaan goobtaan hadda aan ku suganahay waxaa ku badan kooxaha burcadka ah , waa goob daroogada lagu gado oo danbiya badani ay ka dhacaan , sidoo kalana waxaa ka jira fakhri baaxad leh, ayuu yiri Manne Gerell.

Joakim Sturup oo isna cilmiga danbiyada ku takhasusey ayaa sheegey in Sweden ay hadda dhanka danbiyadaan dilalka la maqaam tahay kuwa ka dhaca koonfurta dalka Talyaaniga iyo dalka Mexico.

Toogashooyinkaan ayaa badanaa waxay ka dhacaan magaalooyinka waaweyn ee Stockholm, Göteborg iyo Malmö kuwaas oo badanaa ay geystaan kooxo burcad ah oo hubeysan.

Amir Rostami oo ciidamada booliiska ka tirsan isla markaasna cilmiga danbiyada ku takhasusey ayaa wuxuu yiri sidan soo socota:

- Dhallaanka da’da yar ee xubnaha ka ah kooxaha burcadka ah ayaa badanaa geysta danbiyada noocaan ah, ayuu yiri  Amir Rostami.

 Amir Rostami ayaa intaas ku darey in arrinkaan wax looga qaban karo in xabsiya dheer dheer oo adag lagu xukumo dadka falalkaan toogashada ah geysta.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".