Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Suurtagal in sannadka dambe dayn lagu qaato laysanka gawaarida

La daabacay tisdag 5 september 2017 kl 09.26
Gaari ka mid ah gawaarida tababarka laysanka.
Gaari ka mid ah gawaarida lagu barto kaxeeynta gawaarida. sawir: Tomas Oneborg / SvD / TT

Laga bilaabo koowda bisha luuluyo 2018 waxaa suurtagal noqon doonta inuu qofka shaqa la’aant ah uu daynta ardeyda ku qaadan karo sidii uu ku baran lahaa wadista gawaarida (laysanka gaadiidka).

Sida uu qoraal saxaafadeed ku soo ban-dhigay xisbiga Vänsterpartiet oo ay heshiis ku wada gaareen dawladda wada-hadalkii miisaaniyadda.

Qorshahan ayaa loo qoondeeyey saddexda sannadood ee ugu horreeysa 600 oo malyan oo koron. Iyada oo wixii ka dambeeyaana noqon doonto mid joogto ah. 

Ugu horreeyn waxaa xaq u yeelan doona deeynta noocaasi ah da’yarta shaqa la’aantu la soo gudboonaatay ee u dhexeeysa 18 - 24-jir, aan hay-san shahaado dugsi sare, sidoo kale da’da u dhexeeysa 25 – 47 jir ku sugnaa shaqa la’aan ugu yaraan lix bilood.

Laga bilaabo sannadka 2019 waxaa nasiib u yeelan doona dhallin-yarada da’da 19 - 20 jir ee haysta shahaadada dugsiga sare.

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".