Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Tomas Tobé
Tomas Tobé, afhayeenka arrimaha sharciga ee xisbiga Moderaterna. sawir: Lars Schröder/TT

Moderaterna oo doonaya in dalka oo dhan laga mamnuuco tuugsiga

Xisbiga Moderaterna ayaa doonaya in la adkeeyo cinqaabta ka dhanka ah guryo jabsashada iyo in la kordhiyo dembiyada cinqaabtooda noqoto dal ka masaafurin si ka badan sida ay maanta tahay.

Xisbiga M, ayaa sidoo kale doonaya in waddanka oo dhan laga mamnuuco tuugsiga.

Tallooyinkan ayaa qayb ka ah barnaamij cusub oo ah siyaasadda xisbiga ee arrimaha dembiyada, kaas oo la horgeyn doono kulan weynaha xisbigu ku yeelan doono magalaada Örebro 12—15 oktober.

– Waa ololihii ugu xooganaa muddo toban sannadood ah. Maanta way sahlan tahay qof in uu ahaado burcad dembiile ah, ayuu yiri afhayeenka xisbiga arrimaha sharciga Tomas Tobé oo saxaafadda maanta la hadlayay.

– Hadda waxa aan qof weliba u cadeyneynaa inuu xisbiga Moderaterna yahay xisbiga sharciga iyo kala dembeynta.

Tageero ka helaya keliya xisbiga SD

Tobé ayay ula muuqataa inay jirto suurtagalka iney xisbiyo kale taageero kaga helaan fikirkooda la xiriira in dalka oo dhan laga mamnuuco baryada/tuugsiga. Fikirkaasina oo ay ilaa hadda taabac-san yihiin xisbiga SD oo horay u sheegtay inay taabac-san tahay mamnuucidda tuuksiga.

Xisbiyada Centern (C) iyo Liberalerna (L) ayay ula muuqataa inay xaaladda ciidanka ammaanka oo iminkaba ciriiri ku sugan la dul saaro culays kale ee la xiriira dembiyo aan sidaa halis u aheyn. Hase yeeshee uu Tobé farta ku fiiqay in waardiyeyaasha xitaa loo isticmaali karo in la ceeyriyo dadka tuuksanaya.

Xisbiyada C iyo L ayuu fikirkoodu uu u janjeeraa midka garabka bidix ee Casaan Cagaarka iyo sidii xoogga loo saari lahaa in laga hor tago dadka ka macaasha masaakiinta. Dhowaanna waxaa baarlamanka la hor keeni doonaa mooshin arrintaas la xiriirta. Dawladdu waxay sidoo kale xoogga saari doontaa sidii loo adkeeyn lahaa in deegaannada sharci darrada ah sahal lagu burburin karo iyo masaakiinta gacan lagu siiyo dib in ay ugu noqqdaan waddammadooda Rumaaniya iyo Bulgaariya.

Xeerka oo dib loo eegi doono

Åsa Regnér (S), ahna wasiiradda leh masuuliyadda arrintan oo iminkadan ku sugan dalka Rumaaniya ma taabac-sana fikirka mamnuucidda baryada ee dalka oo dhan.
-Waan fahmi karaa iney dadka qaarkii ula muuqan karto xal si degdeg ah loo gaari karo. Hase yeeshee waxay ammuurtani quseeysaa dad aad u dhibaateey-san, waxaanan qabaa in loo baahan yahay in la eego xaaladda ey ku sugan yihiin, sida ay sheegtay.

Dawladdu waxay sidoo kale indhaha ku haynaysaa halka uu ku dambeeyo go'aankii degmada Vellinge ee goobaha qaarkood looga mamnuucayey baryada, iyadoona loo baahan yahay in xeerka dib u eegis lagu sameeyo. Waayo waxaan fahmi karaa in loo baahan yahay in la xaddido halka laga tuuksan karo iyo halka aan la ogoleyn in laga tuuksado, sida ay sheegtay Regnér.

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".