Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dacwad saaka la furey

"Waxay noqon doontaa maxkamad dheer"
2:35 min
Rättegången om morden i Hallonbergen
Maxkamadeyn ka dhan ah dilal ka dhacay Hallonbergen. sawir: Jessica Gow/TT

Maxkamadda degmada magaalada Stockholm ayaa maanta oo talaado ah waxaa ka bilaabatay dacwad la xiriirta toogashooyin ka dhacey xaafadaha Solna iyo Hallonbergern oo lagu soo eedeeyey siddeed ruux oo dhallin-yaro ah.

Waa dacwad ballaaran oo qalaf-san, run ahaantiina waa laba dacwadood oo laba baaris oo kala duwan uu ciidanka ammaanku horey ugu kala sameeyay.

Dhammaadkii bishii jannaayo 2017 ayay ahayd kolkii wiil 25-jir ah lagu toogtay goob gawaarida la dhigto oo xaafadda Hallonbergen ku taala. Hase yeeshee gaarigii lagu qaaday oo ku sii socda cusbitalka Karolinska ee xaafadda Solna mar labaad lagu weerarey oo halkii lagu toogtey.

Muddadii uu ciidanka ammaanku baarista ku jiray ayay soo baxday inuu jiray nin 39 jir ah oo markhaati ka ahaa dilka ka dhacay garaashka, kuna dhaqnaa guryaha ku yaala garaashka dushiisa.

Muddo bil dabadeed ah ayey dhowr nin weerar ku soo qaadeen gurigii uu deggenaa ninku isla-markaana mindi qudha kaga jareenxaaskiisii. Halka ninka 39-jirka ahaa goobtii ka baxsaday isaga oo daaqadda ka booday, hase yeeshee ey ka gaareen oo halkii ku mindiyeeyeen, isagoona ku geeriyooday cusbitalka.

–Dhibbane A ayaa markii hore lagu toogtay xaafadda Sundbyberg. Wuu ka badbaaday toogashadii. Gaari ayaa u qaaday cusbitalka Karolinska ee xaafadda Solna. Dhabbada isaga oo ku sii jira ayaa gaarigii uu saarnaa dhibbane A waxaa joojiyay gaari kale. Gaarigii kale ayuu qof ka soo degay oo uu toogtay dhibbane A. Dhibbane A waxaa soo gaaray dhaawacyo madaxa u badnaa, sida uu sheegay xeer-ilaaliye Olof Calmvik.

Ammaanka dartii ayaa maxkamadda loogu wareejiyey qolka wayn ee maxkamadda degmada Stockholm, sida uu qoray war-geeyska Expressen. 

Sida dacwadda ku qoran waxey qaar siddeeda ruux ee dacwadda lagu soo oogey ka mid ahi ka dambeeyeen dilalka qaarkood.

Dacwadda ayaa bilaabatay maanta oo ah shanta bisha sebteembar, waxayna socon doontaa muddo 28 maalmood ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".