Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Statsminister Stefan Löfven (S) och finansminister Magdalena Andersson (S). Foto: Vilhelm Stokstad/TT.
Reysal wasaare Stefan Löfven (S) iyo wasiirka maaliyadda Magdalena Andersson (S). Sawirkii : Vilhelm Stokstad/TT.

Dawladda oo la dagaalanka shaqa la’aanta u qorsheysay malaayiin

Dawladda ayaa miisaniyadeeda xilliga derta waxay 4 miljarder oo karoon ku maalgalin doontaa suuqa shaqada.

Meelaha ay dawladdu lacagahaas ku maalgalin doonto ayaa waxaa ka mid ah dhanka waxbarashada oo ay dadka shaqooyinka la’ boosas waxbarasho loogu abuurayo.

Reysal wasaaraha dalkaan Sweden Stefan Löfven ayaa isagoo arrinkaan ka hadlaya wuxuu yiri sidan soo socota:

-Hadafkayagu waa in dalkayagu ahaado kan shaqa la’aanta ugu yari ka jirto dalalka qaaradda Yurub sanadka 2020-ka , sidaas ayaanuna rabnaa in uu waligiis ahaado ayuu yiri Reysal wasaarahe Stefan Löfven.

Sanadka soo socda ayey dawladdu lacag dhan 700 oo malyan ku maalgalin doontaa waxbarashada dadka shaqa la’aanta ah, meesha qorshaha dawladdu yahay ilaa laga gaarayo sanadka 2020-ka in ay guud ahaan shaqa la’aanta uga hortagto lacag dhan 6,4 miljaarder oo karoon.

Dawladdu waxay dhanka kale degmooyinka siin doontaa lacag dhan 500 oo malyan oo karoon si ay uga shaqaaleysiiyaan dadka intii muddo ah shaqa la’aan ku sugnaa.

Dalkaan Sweden ayaa waxaa imminka shaqo la’aan ku ah dad gaaraya ilaa 350 000 oo qof meesha dhanka kalana ilaa 100 000 oo shaqo ka banaan yihiin gooba kala duwan oo dalkaan ka mid ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".