Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Miisaaniyadda: In la soo celiyo khidmadda ururka shaqaale

La cusbooneeyay onsdag 6 september 2017 kl 14.51
La daabacay onsdag 6 september 2017 kl 12.11
Qorshe ku kici doona 2,7 bilyan sannadkii
2:52 min
Jonas Sjöstedt
Jonas Sjöstedt, hoggaamiyaha xisbiga Vänsterpartiet. sawir: Patrick TrägÃ¥rdh/TT

Koowda bisha luulyo ee sannadka foodda innagu soo haya 2018 ayaa lagu talo jiraa in dib loo soo celiyo khidmadda shaqaalaha looga jaro ururrada shaqaalaha, waxa afkan iswiidhishka lagu yiraahdo fackföreningsavgiften.

Qorshahan ayaa ku kici doona miisaaniyad gaarsii-san 2,7 bilyan oo koron sannadkii oo u dhiganta in hoos canshuurtii loogu dhigey shaqaale xubno ka ah ururrada shaqaalaha oo aad u fara badan oo malyanno gaarsii-san.

Su’aal cadaalad ku saleey-san, sida uu qabo ururka LO

Qorshaha ayaa qayb ka ah miisaaniyadda dayrta ee sannadkan.

-Waxaan rajeeyneynaa iney shaqaale ka badan xubno ka noqdaan ururrada shaqaalaha, sida uu sheegay hoggaamiyaha xisbiga Vänsterpartiet Jonas Sjöstedt oo shir jaraa’id ku qabtay sal-dhigga tareemmada ee magaalada Stockholm.

Sidoo kale waxaa qorshahan oo uu u ololeeyntiisa uu ka dambeeyay xisbiga Vänsterpartiet ku xusan in laga saaro maalin ka mid ah maalmaha mushaar la’aanta (karensdag) ee qidmadda shaqa la’aanta a-kassan.

-Muddo sanooyin ah ayaanu u soo halgameeyney qorshahan in doib loo soo nooleeyo soo celintii khidmadda ururrada shaqaalaha, sida uu sheegay Sjöstedt.

Goortii la joojiyey

Dawladdii garabka midig ayaa sannadkii 2007 kolkii ay awoodda la wareegtay joojisay dhaqaalihii dib loogu soo celin jirey shaqaalaha ee khidmadda ey ku bixiyaan xubin-nimmada ururrada shaqaalaha.

Tallaabadaasina oo hor seeday iney ururradii shaqaaluhu lumiyeen xubno badan. Tallaabo kale oo saameeyn ku yeelatay ayaa ahayd iyaduna in aad kor loogu qaadey khidmaddii xubin-nimada ee khasnadd shaqa la’aanta. Hase yeeshee gadaal hoos loogu dhigey.

-Tallaabadan ayaa xaqiiqdii ka dhigan in shaqaale badan hoos loogu dhigey canshuurta, sida uu sheegay. 

Sjöstedt wuxuu tusaale u soo qaatay xubnaha ururka

HRF, shaqaalaha huteellada iyo maqaadaha oo qorshahan kolka uu hir-galo macaashi doona qiyaastii 1 100 koron sannadkii. Halka ururrada shaqaalaha ee degmooyinku heli doonaan 1 300 koron sannadkii, halka ey kuwa ganacsigu macaashi doonaan 1 500 kronor oo canshuur dhimis ah sannadkii.

Goobo kale ayaa looga baahnaa

Qorshahan oo si ka ballaaran dib loogu soo ban-dhigi doono ayaa sannadka ugu horreeya kolka uu hir-galo koowda bisha luulyo 2018 uu ku kici doonaa 1,3 bilyan, halka sannadka xigana loo qoondeeyey 2,7 bilyan oo koron. Maadaama 2019 uu noqon doono sannad dhan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".