Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Morgan Johansson
Wasiirka cadaaaladda iyo arrimaha gudaha. sawir: Johan Nilsson/TT

Johansson: waa ka gun gaaraynayaa waxii dhacay

Johansson: waa ka gun gaaraynaa
1:15 min

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha gudaha Morgon Johansson waxaa sheegay in uu ogaaday gelinkii dembe ee isniinta macluumaadka ah in boliska  shirkad gaar loo leeyahay ku wareejiyey nidaamka diwaan ee shaqaalaha boliska.

- Waxii ka horeeyey gelinkii dembe isniintii waxba kalama aan socon arrintan. Howl-sha hadda ii taala waxay tahay in aan ka gun gaaro sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen, ayuu yeri wasiirka cadaaladda oo la hadlayey Ekot.

Ciidamada nabad sugidda ayaa hadda loo xil-saaray baaritaan in ay ku sameeyaan sida ay wax u dhaceen heshiis horey loogu gacan-geliyey shirkad qaas loo leeyahay nidaamka diwaanka mushaaraadka shaqaalaha boliska.

Sidaas waxaa shaaciyey gelinkii dembe ee maanta wasiirka arrimaha guddaha iyo cadaaladda Morgan Johansson.

Maanta gelinkii hore ayuu wasiirku kulan la qaatay xogheyntiisa gaarka ah iyo wakiilo ka socday hey’ada boliska.

– Maamulka boliska waxa ay aminsan yahiin in aysan jirin wax xeerar ah oo ay jabiyeen balse waa in aan arrintan ka gun gaarnaa oo aan saxnaa dhamaan waxyaabaha shakiga ku jiri karo, sidaas daraadeed ciidamada nabad sugidda ayaa arrinkan soo faro-gelinaya, ayuu yeri wasiirka cadaalada Morgan Johansson.

 Hey’adda nabad sugidda Säpo ayaa iyadu ah hey’adda masuuliyadda u leh koormeerka arrimahaan, hadana ah midda baaraysa sida ay wax u dhaceen.

– Weli waa xilli horey oo lama saadaalin karo natiijada, natiijada arrinkan waxa aan ka sugaynaa Nabad sugidda, ayuu yeri Morgan Johansson.

Waxa uu aha talliyaha boliska qaranka Dan Eliasson qof bishii abriil 2015 go’aamiyey in laga tillaabsado qaraarka difaaca amaanka oo loo gacan geliyo nidaamka diwaanka mushaaraadka ee ciidamada boliska shirkad gooni loo leeyahay. Balse sida xeerka qabo go’aan noocaas waa in ogalaansho looga heysto hey’adda difaaca qaranka iyo xukumadda dalka.

Maclummadkan shirkadda gooni loo leeyahay gacanta laga saaray ayaa ciidamada boliska laftirkooda u arkaan in uu yahay mid amaanka qaranka toos u taabanaya.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".